dadka cadaalada ku dhaqma Ilaahay agtiisa ayey ku fadhiyaan minbar nuur ah, kaasoo ah midigta Ilaahay casa wajala, iyadoo labadiisa gacmoodba ay midig

dadka cadaalada ku dhaqma Ilaahay agtiisa ayey ku fadhiyaan minbar nuur ah, kaasoo ah midigta Ilaahay casa wajala, iyadoo labadiisa gacmoodba ay midig

Cabdulaahi Binu Camar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiibe wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: "dadka cadaalada ku dhaqma Ilaahay agtiisa ayey ku fadhiyaan minbar nuur ah, kaasoo ah midigta Ilaahay casa wajala, iyadoo labadiisa gacmoodba ay midig yihiin, dadkaasu waa kuwa cadaalada ku suubiya xugunkooda, reerkooda iyo cidii ay masuulka ka yihiinba.

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nabigu scw wuxuu sheegay kuwa dadka ay maamulaan iyo eheladoodaba cadaalad iyo xaqa ku xukuma, waxay ku fariisanayaan kuraas dhaa-dheer oo nuur ka samaysan, oo iyaga lagu maamuusayo maalinta qiyaamaha. manaabirtaas waxay taalaa Allaha raxmaanka ah midigtiisa, Isagoo labadiisa gacmoodba-Isagaa nusqaan ka hufane- ay midig yihiin.

فوائد الحديث

Fadli ayey leedahay cadaalada iyo isku boorinteeda.

Cadaaladu waa wax guud oo koobaysa dhamaan masuuliyada iyo dadka oo la kala xukumo iyo in cadaalad loo sameeyo xaasaska caruurta iyo qayrkoodba.

Cadaynta maqaamka ay leeyihiin dadka caadiliinta ah maalinta qiyaamaha.

Maalinta qiyaamaha dadka Ahlu iimaanka ah mansiladoodu waa kala tagsan tahay qof walbana sida camalkiisu ahaa ayuu noqon.

qaabka wax jeclaysiintu wuxu ka mid yahay qaababka diinta dadka loogu yeero taasoo qofka loo yeeraayo jeclaysiinaysa cibaadada.

التصنيفات

Akhlaaqda wanaagsan