Magalayo janada qofka gooya qaraabada

Magalayo janada qofka gooya qaraabada

Jubeyr Binu Mudcim Allaha ka raali ahaade wuxuu ka maqlay Nabiga scw inuu yiri: "Magalayo janada qofka gooya qaraabada."

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu scw wuxuu sheegay in qofka qaraabadiisa ka gooya waxay waajib ahaan ugu leeyihiin ee xuquuq ah, ama dhib iyo xumaan kula kaca, wuxuu mutaysanayaa inuusan janada gelin.

فوائد الحديث

Qaraaba gonytu waa dambi dambiyada waa wayn ka mid ah.

Qaraabo xiriirintu waa kolba sida curfiga ah ee loo yaqaan, wayna kala duwan tahay sida ay u kala duwan yihiin dhulka, waqtiga iyo dadku.

Qaraabo xiriirintu waa in la is booqdo, sadaqado la siiyo, in loo ixsaan falo , kan buka la booqdo, wanaaga la faro, xumaanta laga reebo, iyo wixii la mid ah.

Mar kastoo qaraabo gooytu tahay dadka sokeeyaha is ku ah dambigu waa ka sii adag yahay.

التصنيفات

Fadaa`isha iyo Aadaabta, Fadliga Qaraabo xiriirinta