Qofka tukada salaada subaxa Ilaahay magantiisuu ku jiraa

Qofka tukada salaada subaxa Ilaahay magantiisuu ku jiraa

Jundub Binu Cabdulaahi Alqusari Allaha ka raali ahaadee wuxuu yiri: Rasuulka scw ayaa yiri: "Qofka tukada salaada subaxa Ilaahay magantiisuu ku jiraa, ee yaanu Ilaahay idinka dalbin shay ka mida magantiisa, maayo qofkii Ilaahay magantiisa shay ka mida uu ka dalbo wuu qabanayaa, ka dibna wuxuu wajiguu ugu tuurayaa naarta jahanama.

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nabigu scw wuxuu sheegay in qofka tukada salaada subxa inuu ku jiro Ilaahay xifdigiisa, ilaalintiisa, waardiyihiisa, difaacidiisa iyo u gargaaridiisa. Ka dib Nabigu wuxuu ka digay in la jabiyo oo laga boxo balankaa, taasoo ah in qofku ka tago salaada subaxa, ama qof tukaday salaadii subax uu dhib u gaysto, qofkii sidaa sameeya wuxuu buriyey balantii, wuxuuna mutaystay goodiga adag, iyado Ilaahay ku ciqaabidoono danbiga uu ku dhacay, qofkii Ilaahay ka dalbo magantiisa wuu qabanayaa ka dibna wuxuu wajiga ugu tuurayaa naarta.

فوائد الحديث

Waxaa la cadeeyey muhimada salaada fajarka iyo fadligeedaba.

Digniin adag ayaa loo diray qofka dhibaato u gaysta dadka salaada subaxa tukaday.

Ilaahay ayaa ka aara kuwa dhibaateeya adoomadiisa saalixiinta ah.

التصنيفات

Fadliga Salaada