Inuu nin weydiiyey Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: Islaamka maxaa ugu khayr badan? wuxuuna ugu jawaabay: "dadka oo aad cunto siiso iyo inaad salaanto qofka aad taqaan iyo kan aadan aqoonba

Inuu nin weydiiyey Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: Islaamka maxaa ugu khayr badan? wuxuuna ugu jawaabay: "dadka oo aad cunto siiso iyo inaad salaanto qofka aad taqaan iyo kan aadan aqoonba

Cabdullaahi Binu Camar -Allaha ka raalli ahaado isaga iyo Aabihiye- waxaa laga wariyey: Inuu nin weydiiyey Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: Islaamka maxaa ugu khayr badan? wuxuuna ugu jawaabay: "dadka oo aad cunto siiso iyo inaad salaanto qofka aad taqaan iyo kan aadan aqoonba."

[Xadiis Saxiix ah.] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -ayaa la weydiiyey, sifooyinka islaamka kuwee ugu fadli badan? wuxuu sheegay labo sifo: Mida 1aad: in la badiyo quudinta fuqarada, waxaana soo galaya sadaqa, hadiyada, soorida, casumida, waxayna sii fadli badan tahay quudintu waqtiyada ay jiraan abaaraha iyo sicir bararku. mida 2aad: waa inaad salaanto qof walba oo muslim ah kii aad taqaan iyo kii aadan aqoonba.

فوائد الحديث

Asaxaabu waxay aad ugu dadaalayeen barashada dhaqanka wanaagsan ee anfacaya aduun iyo aakhiraba.

Salaanta iyo cunto siintu waa acmaasha ugu fadliga badan Islaamka, waana fadli badnaanteeda iyo baahida dadku ay u qabaan waqti walaba.

Labadaa sifo waxaa ku kulmay ixsaankii oo hadal iyo ficilba ah, waana ixsaanka ugu kaamilsan.

Sifooyinkaani waxay ku saabsan yihiin tacaamulka muslimiinta dhexdooda, waxaase jira sifooyin kale oo ku saabsan adoonka oo la tacaamulaya Rabigi.

Salaanta oo aad qofka ku bilawdo waxay gaar u tahay muslimiinta dhexdooda, gaalse salaan laguma bilaabo.

التصنيفات

Fadaa`isha iyo Aadaabta, Aadaabta Salaanta iyo idan qaadashada