إعدادات العرض
Joogteeya akhrinta Qur'aanka, Allaha nafta Maxamed Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye wuxuu ka siibasho badan yahay Qur'aanku Geel dabaran
Joogteeya akhrinta Qur'aanka, Allaha nafta Maxamed Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye wuxuu ka siibasho badan yahay Qur'aanku Geel dabaran
Abii Muusa Alashcari Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey, in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Joogteeya akhrinta Qur'aanka, Allaha nafta Maxamed Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye wuxuu ka siibasho badan yahay Qur'aanku Geel dabaran".
[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी ئۇيغۇرچە Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili မြန်မာ ไทย Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી Yorùbá Nederlands සිංහල தமிழ் دری Magyar ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy Română Kinyarwanda नेपाली Српски Wolof Moore Українська Български Azərbaycan mr ქართული тоҷикӣ bm Oromoo Македонски Akan አማርኛالشرح
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu amray in la joogteeyo akhrinta Qur'aanka iyo in si xiriira loo akhriyo, si aan Qofka laabta ku xifdisani u ilaawin, wuxuuna Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku adkeeyey inuu ku dhaartay in Qur'aanku laabta kaga baxsan og yahay si ka daran geel la dabray oo xarig dhudhunka looga xiray, hadii Qofku ilaaliyo wuu soo qaban hadiise uu iska daayo wuu tagin oo lumin.فوائد الحديث
Haduu Qofka Qur'aanka xifdisani uu joogteeyo akhrintiisa marba marka ka danbeeya qalbiga ayuu ku xafidisanaan, hadii kale wuu illaawin.
Faa'iidooyinka joogtaynta akhrinta Qur'aanka waxaa ka mida: Ajar, xasanaat, iyo darajada oo kor loo qaado Maalinta Qiyaame.
التصنيفات
Fadliga Quraanka oo la ilaaliyo