إعدادات العرض
ma kuu diraa wuxuu Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ii diray? inaadan dhaafin Sanam aad burburiso iyo Qabri la dhisay oo aadan dhulka la simin
ma kuu diraa wuxuu Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ii diray? inaadan dhaafin Sanam aad burburiso iyo Qabri la dhisay oo aadan dhulka la simin
Abii Hayaaj Alasdi Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Cali Binu Abii Daalib ayaa igu dhahay: ma kuu diraa wuxuu Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ii diray? inaadan dhaafin Sanam aad burburiso iyo Qabri la dhisay oo aadan dhulka la simin.
[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]
الترجمة
العربية Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский اردو 中文 हिन्दी বাংলা Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் සිංහල မြန်မာ ไทย Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە Türkçe دری Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy Română Kinyarwanda नेपाली Српски Wolof Moore Українська Български Tagalog Azərbaycan ქართული тоҷикӣ bm Oromoo Македонскиالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu Asxaabta u diri jiray inaysan ka tagin wax sanam ah, waana sawirka wax nool oo jurmi leh ama wax aan jurmi lahayn ee ay burburiyaan oo tirtiraan. Iyo inaysan dhaafin qabri kor loo dheereeyey ilaa ay dhulka la simaan, wixii laga dul dhisayna ay dumiyaan, ama ay ka dhigaan mid siman oo aan dhulka ka sarayn wax badan balse ka sareeya wax taako dhan.فوائد الحديث
Waa xaaraan in la sawiro wixii noole ah, waayo wwuxuu ka mid yahay wax yaabaha shirkiga keena.
Waa sharci in munkarka gacan uu ku bedelo qofka masuulka ahi ama awood u leh.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku dadaalay baabi'inta shay walba oo ku tusaaya raadkii jaahiliyada, sida sawirada, asnaamta, dhismaha qubuurta laga dhisay.
التصنيفات
Towxiidka Ilaahnimada