إعدادات العرض
Qofka akhriya labada Aayadood ee Suurada AlBaqara u dambeeya Habeenka way ku filan yihiin
Qofka akhriya labada Aayadood ee Suurada AlBaqara u dambeeya Habeenka way ku filan yihiin
Abii Mascuud Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka akhriya labada Aayadood ee Suurada AlBaqara u dambeeya Habeenka way ku filan yihiin".
[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]
الترجمة
العربية Bosanski English فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Türkçe اردو 中文 हिन्दी বাংলা ئۇيغۇرچە Español Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் မြန်မာ ไทย Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી Yorùbá Nederlands සිංහල دری Magyar ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy Română Kinyarwanda नेपाली Српски Wolof Moore Українська Български Tagalog Azərbaycan ქართული тоҷикӣ bm Македонскиالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qofka akhriya labada Aayadood ee u dambeeya Suurada Albaqara Habeenkii Ilaahay wuuka kaafiyaa Sharka iyo Dhibaatada, waxaa kaloo la yiri: way ka kaafidaa Salaatul-laylka, waxaa kaloo la yiri: waxay ka kaafidaa adkaarta kale, waxaa kaloo la yiri: waa waxa ugu yar ee ay kaga gudmayso akhrinta Qur'aanka ee Salaatul-laylka, siyaabo kalana waa lagu fasiray, waxaa dhici kara inuu sax yahay dhamaan waxaa lagu fasiray oo dhan oo ay erayadu soo wada galaan.فوائد الحديث
Xadiiska waxaa kucad fadliga weyn ee ku jira dhamaadka
suuratul Baqara, waana hadalkii ilaahay yiri: (آمن الرسول) ilaa dhammaadka Suurada.
Dhamaadka Suurada Albaqara wuxuu ka difaacaa Qofka dhibka, Sharka, Shaydaanka, haduu akhriyo Habeenkii.
Habeenku wuxuu ka bilawdaa dhicida Qoraxda, wuxuuna ku dhamaadaa soo bixitaanka Fajarka.