إعدادات العرض
Iimaanku waa dhowr iyo todobaatan -ama dhowr iyo lixdan- qaybood, waxaana ugu fadli badan hadalka laa ilaaha Ilaa Allaah, waxaana ugu hooseeya in wixii dhib ah laga qaado Jidka
Iimaanku waa dhowr iyo todobaatan -ama dhowr iyo lixdan- qaybood, waxaana ugu fadli badan hadalka laa ilaaha Ilaa Allaah, waxaana ugu hooseeya in wixii dhib ah laga qaado Jidka
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Iimaanku waa dhowr iyo todobaatan -ama dhowr iyo lixdan- qaybood, waxaana ugu fadli badan hadalka laa ilaaha Ilaa Allaah, waxaana ugu hooseeya in wixii dhib ah laga qaado Jidka, xishoodkuna waa qayb ka mida iimaanka".
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Tiếng Việt Kurdî Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் မြန်မာ ไทย Deutsch 日本語 پښتو অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە සිංහල Hausa دری Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy Română Kinyarwanda नेपाली Српски Wolof Moore Українська Български Azərbaycan ქართული тоҷикӣ bm Македонскиالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in iimaanku qaybo iyo laamo badan yahay, kuwaasoo ka kooban acmaal la qabto, caqiido iyo hadalo. Waxaana ugu sareeya qaybaha iimaanka u guna fadli wayn hadalka: "laa ilaaha Ilaa Allaah", waa in macnaheeda aqoon loo leeyahay, laguna camal falayo waxay keenayso, oo ah inuu Ilaahay yahay Ilaaha kaliya ee xaqa u leh in la caabudo keligi, cidii isaga ka soo hartayna aysan xaq u lahayn. Qaybta ugu yar laamaha iimaanku waa in laga leexiyo wixii dhib ku ah Dariiqa dadku marayaan. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu sheegay in xishoodku qaybaha iimaanka ka mid yahay, waana dhaqan ku dhalinaaya qofka inuu wanaaga sameeyo xumaantana ka tago.فوائد الحديث
Iimaanku waa darajooyin qaar ka fadli badan yahay qaarka kale.
Iimaanku waa hadal iyo camal iyo caqiido.
Ilaahay oo laga xishoodaa wuxuu keenaa: inuuna kugu arag meel uu kaa reebay, iyo inuuna kaa waayin meel uu ku faray.
hadii tiro la sheego looma jeedo in arinku tiradaa ku kooban yahay, balse wuxuu ku tusayaa in acmaasha iimaanku badan tahay, carabtu waxaa dhici karta inay shay tiro ku sheegaan hadana aysan doonayn inaysan qayrki diidayn.