qiyaamuhu dhicimaayo ilaa qoraxdu ka soo baxdo xaga ay u dhacdo, haday ka soo baxdana oo dadku arko dhammaantood

qiyaamuhu dhicimaayo ilaa qoraxdu ka soo baxdo xaga ay u dhacdo, haday ka soo baxdana oo dadku arko dhammaantood

Abuu Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate uu yiri: qiyaamuhu dhicimaayo ilaa qoraxdu ka soo baxdo xaga ay u dhacdo, haday ka soo baxdana oo dadku arko dhammaantood, Ilaahay ayey rumaynayaan: (waqtigaasina waa waqtiga qofka aan horay u rumayn Ilaahay ama aan iimaankiisii horay xasanaad ugu kasban uusan waxba u tarayn) [Al ancaam:158], qiyaamuhu wuu dhicin iyadoo labo nin kala bixiyeen maradooda si ay u kala gataan mana isku laabi karaan mana kala gadan karaan, qiyaamuhu wuu dhicin iyado ninku soo qaatay caanaha hashiisa mana cabi karo, qiyaamuhu wuu dhicin iyadoo ninku hagaajineyo darkiisa mana laga cabaayo, qiyaamuhu wuu dhicin iyado qofkiin luqmada afkiisa u qaatay mana cuni karo.

[Xadiis Saxiix ah.] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay inay calaamadaha waaweyn ee qiyaamaha ay ka mid tahay in qoraxdu ka soo baxdo meeshay u dhacdo halkii ay bari ka soo bixilahayd, markay dadku arkaana Ilaahay wada rumaynayaan. Markaasna gaalka wax ku tarimaayo iimaankiisu, camalka suubana wax ku tarimaayo, towbaduna wax ku tarimayso. Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay qiyaamuhu inuu ku dhacaayo si kadis ah, iyadoo dadku noloshoodii iyo hawlohoodii caadiga ahaa ku jiraan. qiyaamihii ayaa dhicin iyadoo kii gadaayey iyo kii iibsanaayey ay marada kala bixiyeen iibsana karimaayaan iskuna laabi karimaayaan. qiyaamihii ayaa dhacaya iyado ninku uu soo qaatay caanihii uu hashiisa ka lisay mana dhamikaraayo. qiyaamihii ayaa dhacaya iyadoo ninku darka xoolihiisa u hagaajinaayo mana ka waraabin karayo. qiyaamihii ayaa dhacaya iyadoo ninku luqmad cunto ah afkiisa u soo qaaday si uu u cuno, mana cuni karaayo.

فوائد الحديث

Islaamnimada iyo towbada waa la aqbalaa inta aanay qoraxdu ka soo bixin meeshay u dhacdo.

waxaa la isku booriyey in qiyaamaha loogu diyaar garoobayo iimaan iyo camal suuban, waayo Qiyaamuhu wuxuu ku imanayaa si kidis ah.

التصنيفات

Nolosha Guursiga, Tafsiirka Aayaatka