إعدادات العرض
1- War hooy ma laga yaaba in Xadiiskaygu gaaro nin Fadhigiisa ku dangiiga oo uu yiraahdo : waxaa anaga iyo adinka inoo dhexeeya Kitaabka Ilaahay
2- labadaba waa lacadaabayaa, wax weyna lagu cadaabimaayo, mid Kaadida iskama duwi jirin, kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray
3- Qofka muslim ka ah marka lagu su'aalo qabriga dhexdiisa su'aalaha: wuxuu qirayaa shahaadateynka (Ashhadu allaa ilaaha ilaa Allaah wa ash hadu ana Maxamed Rasuulu Allaah
4- Qiyaamaha calaamadihiisa waxaa ka mid ah: in cilmiga la waayo, Jahliguna bato, Sinaduna badato, khamriga cabidiisuna badato, oo Raggu yaraado, Dumarkuna bataan, ilaa kontonkii Dumar ahba hal nin ku soo tooso
5- Saacada qiyaame dhicimayso ilaa ninku soo maro nin qabrigi oo uu yiraahdo: hoogaye maan booskiisa ku jiro
6- Qiyaamuhu dhicimaayo ilaa aad Yahuuda la dirirtaan oo uu yiraahdo Dhagaxa Yahuudigu ka danbeeyaa: Muslimow Yahuudi ayaa iga danbeeya ee dil
7- Allaha naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, waxay u dhawdahay inuu idiin la soo dago ina Maryama isago xaakim caadil ah, oo uu jejebiyo Macatabka, oo dilo khansiirka, oo uu soo rogo jisyada, oo maalku buux dhaafo, heer cid qaadata oo baahan la waayo
8- qiyaamuhu dhicimaayo ilaa Qoraxdu ka soo baxdo xaga ay u dhacdo, haday ka soo baxdana oo dadku arko way rumaynayaan dhamaantood
9- Saacada qiyaame dhicimayso ilaa waqtigu isku soo dhawaado
10- Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax buu sheegay, markaasuu yiri: kaasi waa marka cilmigu sii tagayo
11- Waxaa jiri doona ummaddayda aakhirkeeda dad idiinka sheekayn doona wax aydaan maqal idinka iyo aabayashiin, iska jira oo ka digtoonaada