إعدادات العرض
Waxaa jiri doona ummaddayda aakhirkeeda dad idiinka sheekayn doona wax aydaan maqal idinka iyo aabayashiin, iska jira oo ka digtoonaada
Waxaa jiri doona ummaddayda aakhirkeeda dad idiinka sheekayn doona wax aydaan maqal idinka iyo aabayashiin, iska jira oo ka digtoonaada
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee wuxuu ka wariyey Rasuulka scw inuu yiri: "Waxaa jiri doona ummaddayda aakhirkeeda dad idiinka sheekayn doona wax aydaan maqal idinka iyo aabayashiin, iska jira oo ka digtoonaada".
[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]
الترجمة
العربية English မြန်မာ Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands اردو Bahasa Indonesia ئۇيغۇرچە বাংলা Türkçe සිංහල हिन्दी Tiếng Việt Hausa తెలుగు Kiswahili ไทย پښتو অসমীয়া دری Кыргызча Lietuvių Kinyarwanda नेपाली മലയാളം Bosanski Italiano ಕನ್ನಡ Kurdî Oromoo Română Shqip Српски Українська Wolof Tagalog Moore Malagasy தமிழ் Azərbaycan فارسی ქართული 中文 Magyarالشرح
Nabigu scw wuxuu sheegay inuu ka soo bixi doono ummaddiisa aakhiru samaanka dad beenta sameeya, oo dadka u sheega wax cid uga horaysay oo sheegtay ayna jirin, kuwaa soo been aan jirin u sheegi doona dadka, Nabiguna scw wuxuu ina faray inaan kuwaa ka fogaano, oo aynaan la fariisan dhagaysana warkooda, si aysan warkoodaa beenta ahi inoogu yeelan saamayn aynu iska dayn kariwayno.فوائد الحديث
Xadiiska waxaa ku jira calaamad ka mid ah calaamadaha nabinimada, oo Nabiga scw, isagu ka sheegay waxa ka dhici doona ummaddisa, siduu sheegayna noqday.
Waa in laga fogaado kuwa beenta ka sheegaya Rasuulkeena iyo diinta islaamkaba oo aan la dhagaysan beentooda.
Waxaa laga digayaa in la iska qaato xadiiska ama la faafiyo in la hubiyo inuu sax yahay oo sugan yahay mooyee.