إعدادات العرض
Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, waxay u dhawdahay inuu idiin la soo dago ina Maryama isago xaakim caadil ah, oo uu jejebiyo macatabka, oo dilo khansiirka, oo uu soo rogo jisyada, oo maalku buux dhaafo, heer cid qaadata oo baahan la waayo
Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, waxay u dhawdahay inuu idiin la soo dago ina Maryama isago xaakim caadil ah, oo uu jejebiyo macatabka, oo dilo khansiirka, oo uu soo rogo jisyada, oo maalku buux dhaafo, heer cid qaadata oo baahan la waayo
Abii hurayra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa yiri: "Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, waxay u dhawdahay inuu idiin la soo dago ina Maryama isago xaakim caadil ah, oo uu jejebiyo macatabka, oo dilo khansiirka, oo uu soo rogo jisyada, oo maalku buux dhaafo, heer cid qaadata oo baahan la waayo."
الترجمة
العربية English မြန်မာ Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá اردو Bahasa Indonesia ئۇيغۇرچە සිංහල हिन्दी Hausa Kiswahili ไทย پښتو অসমীয়া دری Кыргызча or Türkçe Tiếng Việt नेपाली Malagasy Kinyarwanda తెలుగు Bosanski Lietuvių Oromoo Română മലയാളം Nederlands Српски Kurdî Українська Deutsch ಕನ್ನಡ Wolof Moore Shqip Português ქართული Azərbaycan 中文 Magyar فارسیالشرح
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu ku dhaartay inay soo dhowaatay waqtigii uu Nibi Ciise soo degi lahaa, ee uu dadka cadaalad ku xukumi lahaa, isagoo raacaya shareecadii Nabi Maxamed scw. Oo Nabi Ciise uu jabindoono macatabka kiristaanku wayneeyaan. Nabi Ciise wuxuu dilidoonaa khinsiirka, Nabi Ciise wuxuu soo rogidoonaa Jisyada dadka oo dhana wuxuu ku amridoonaa inay Islaama soo galaan. Xooluhu waa badandoonaan qof qaadanayana ma jiro, waayo xoolihii ayaa iska badanaya, qof walbana wuxuu ku kaaftoomay wixii gacantiisa ku jira, waxaa soo dagaya Barkada waxaana is raacraacaya khayrka.فوائد الحديث
Waa sugan tahay in Nabi Ciise-nabadi korkiisa ha ahaatee- uu aakhira samaanka soo degidoono, taasina ay tahay mid ka mida calaamadaha saacada qiyaamaha.
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- Shareecadiisa wax nasakhi karaa ma jiraan.
Maalka ayaa barakoobaya aakhira samaanka, dadkuna way nicidoonaan.
Waa bishaaro in diinta islaamku baaqi ahaanayso, iyadoo Nabi Ciise ku xukumi doonaa dhulka aakhiru samaanka.