إعدادات العرض
labadaba waa lacadaabayaa, wax weyna lagu cadaabimaayo, mid Kaadida iskama duwi jirin, kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray
labadaba waa lacadaabayaa, wax weyna lagu cadaabimaayo, mid Kaadida iskama duwi jirin, kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray
Ibnu Cabaas-Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa soo maray laba qabri, wuxuuna yiri: "labadaba waa lacadaabayaa, wax weyna lagu cadaabimaayo, mid Kaadida iskama duwi jirin, kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray" wuxuuna soo qaatay laan Timireed qoyan wuuna u kala dilaaciyey labo qaybood, qabri walbana qaybuu ku talaalay, waxay dheheen-Asaxaabtii-: Rasuulka Ilaahayow maxaad sidaa u samaysaa? wuxuu yiri: "waxaa laga yaaba inay ka khafiifiyaan intaysan qalalin.
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Tiếng Việt ئۇيغۇرچە Hausa Português Kurdî മലയാളം Kiswahili Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá සිංහල ไทย پښتو অসমীয়া دری Кыргызча or नेपाली Malagasy Română Kinyarwanda తెలుగు Lietuvių Oromoo Nederlands Shqip Српски Deutsch Українська ಕನ್ನಡ Wolof Moore ქართული Azərbaycan Magyar தமிழ் Македонски km မြန်မာالشرح
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa soo maray laba qabri wuxuuna yiri: Labada Qof ee qabriyadan ku jira waa la cadaabayaa, wax weyna lagu cadaabimaayo aragtidiina, wax weyn bayna ka tahay xaga Ilaahay. Midkood wuxuu ahaa midaan danaynayn inuu ka ilaaliyo jirkiisa iyo dharkiisa Kaadida markuu xaajo gudanaayo. Kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray, isagoo ay ka tahay iska horkeenid, dhibaatayn iyo inay isku dhacaan dadku.فوائد الحديث
Namiimada iyo Kaadida oo aan la ka dhawrin waxay ka mid yihiin dambiyada waaweyn iyo asbaabta cadaabta qabriga.
Wax yaabaha qaybka ah qaarkood oo Ilaahay muujiyey -sida cadaabta qabriga- waxay cadayn u tahay calaamada Nabinimada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
Ficilka uu Nabigu sameeyey ee ah kala jeexida laanta Timirta ah ee uu ka taagay qabriga waxay khaas u tahay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, waayo Ilaahay ayaa tusay xaalka labadaa qof ee qabriga ku jira, loogana qiyaas qaadan maayo cid kale, waayo Qofna ma oga xaalka dadka qabriga ku jira.