Saacada qiyaame dhicimayso ilaa ninku soo maro nin qabrigi oo uu yiraahdo: hoogaye maan booskiisa ku jiro

Saacada qiyaame dhicimayso ilaa ninku soo maro nin qabrigi oo uu yiraahdo: hoogaye maan booskiisa ku jiro

Abii Hurayra-Allaha ka raali ahaadee- Nabiga- naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka wariyey inuu yiri: "Saacada qiyaame dhicimayso ilaa ninku soo maro nin qabrigi oo uu yiraahdo: hoogaye maan booskiisa ku jiro.

[Xadiis Saxiix ah.] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka sheegay in saacada qiyaame aysan dhacayn, ilaa uu ninku soo maro qabri oo uu jeclaado inuu isagu noqdo midka qabriga ku jira, sababtuna waa cabsida uu ka qabo inuu diintiisa seego, oo baadilka iyo dadkiisu ka tan badiyaan, waayo waxaa muuqday oo xoog leh fitanta, macaasida iyo munkarka.

فوائد الحديث

Waxaa la sheegay inay macaasida iyo fitanku aad u badan doonaan aakhiru samaanka.

Waxaa lagu boorinayaa dadka digtoonaan, oo dhimashada ugu diyaar garoobaan iimaan iyo camalka saalixa ah, kana fogaadaan goobaha fitanka iyo balaayada.

التصنيفات

Nolosha Guursiga, Axwaasha Saalixiinta, Nadiifinta Nafta