Nabiga scw wax buu sheegay, markaasuu yiri: kaasi waa marka cilmigu sii tagayo

Nabiga scw wax buu sheegay, markaasuu yiri: kaasi waa marka cilmigu sii tagayo

Siyaad Binu Labiid Allaha ka ralli ahaadewaxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga scw wax buu sheegay, markaasuu yiri: kaasi waa marka cilmigu sii tagayo, waxaan iri: Rasuulka Alloow, sidee buu cilmigu u tagayaa, anagoo akhriyeyna Qur'aanka ubadkayagana aan barayno, ubadkayaguna ubadkooda sii barayaan ilaa qiyaamaha?, wuxuu yiri-Rasuulku-:(hooyadaa ku wayday siyaad, waxaan kuu malaynaayey ninka ugu fiqiga badan Madiina, kuwani miyanay ahayn Yahuud iyo Nasaaro oo Tawraat iyo Injiil akhriyaya, haddana aanay ku camal falayn waxa ku qoran.

[Xadiis Saxiix ah, marka la eego kuwa lamida.] [Waxaa wariyay Ibnu Maajah.]

الشرح

Nabigu scw wuxuu dhex fadhiyey asxaabtiisaa, wuxuuna yiri waqtigaasi waa waqtiga dadka laga siibayo cilmiga, Siyaad Binu Labiid Alansaari Allaha ka raali ahaade wuu la yaabay Nabiga scw wuuna waydiiyey, Wuxuuna yiri: sidee baa cilmiga loo waayin oo nooga lumin?! anagoo akhrinayna oo xifdinay, wallaahi waanu akhriyeynaa, waana baraynaa haweenkayaga iyo caruurtayada, iyo caruurta caruurtayada, Nabiga scw wuxuu yiri: isago la yaaban Siyaad hooyadaa ku waydey waxaan kuu haystay inaad ku jirto culimada reer Madiina! Ka dib Nabigu scw wuxuu u caddeeyey Siyaad in cilmiga waayidiisu uusan ahayn Qur'aanka oo la waayo, laakiin ay tahay ku camal falkiisa oo la waayo, Waa kuwaas Tawraat iyo Injiil oo ay haystaan Yahuud iyo Nasaaro, haddana wax kuma tarin kamana ay faa'iidaysan ujeedadii labadaa kitaab laga lahaa,! kaasoo ahaa inay ku camal falaan waxay barteen.

فوائد الحديث

Waxaa jira kutub iyo Suxuf dadka gacantooda ku jira oo aan waxba tarayn hadaan lagu camal falayn.

Sida cilmiga loo waayo waxaa ka mida arimo ay ka mid tahay: dhimashada Nabiga scw, dhimashada culimada, iyo cilmiga oo aan lagu camal falin.

Calaamadaha qiyaamaha waxaa ka mida cilmiga oo la waayo iyo cilmiga oo laga tago ku camal falkiisa.

Waxaa la isku booriyey in cilmiga lagu camal falo, ujeedaduba waa intaasee.

التصنيفات

Nolosha Guursiga, Merit and Significance of Knowledge