إعدادات العرض
Qiyaamaha calaamadihiisa waxaa ka mid ah: in cilmiga la waayo, Jahliguna bato, Sinaduna badato, khamriga cabidiisuna badato, oo Raggu yaraado, Dumarkuna bataan, ilaa kontonkii Dumar ahba hal nin ku soo tooso
Qiyaamaha calaamadihiisa waxaa ka mid ah: in cilmiga la waayo, Jahliguna bato, Sinaduna badato, khamriga cabidiisuna badato, oo Raggu yaraado, Dumarkuna bataan, ilaa kontonkii Dumar ahba hal nin ku soo tooso
Anas Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan idiin sheegin Xadiis aan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Xadiis kaas Qof aan aniga ahayn idiin sheegi maayo: waxaan ka maqlay Rasuulka isagoo dhahaya: Qiyaamaha calaamadihiisa waxaa ka mid ah: in cilmiga la waayo, Jahliguna bato, Sinaduna badato, khamriga cabidiisuna badato, oo Raggu yaraado, Dumarkuna bataan, ilaa kontonkii Dumar ahba hal nin ku soo tooso.
[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]
الترجمة
العربية English မြန်မာ Svenska Čeština ગુજરાતી Yorùbá Nederlands اردو Español Bahasa Indonesia ئۇيغۇرچە বাংলা Türkçe Bosanski සිංහල हिन्दी Tiếng Việt Hausa മലയാളം తెలుగు Kiswahili پښتو অসমীয়া Shqip دری Ελληνικά Български Fulfulde ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių or Română Kinyarwanda Српски тоҷикӣ O‘zbek नेपाली Moore Kurdî Oromoo Wolof Français Azərbaycan Tagalog Українська bm தமிழ் ქართული Deutsch Português Македонски Magyar فارسی Русский 中文 km Malagasyالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in calaamadaha Qiyaamaha dhawaadkeeda ay ka mida tahay in la qaado Cilmiga Shareecada, waayo Culumadaa dhamaanaysa. Taas waxaa ka imaanaaya in Jahligu faafo siina badato Sinada iyo Faaxishadu, khamri cabiduna badato, tirada Ragguna yaraato, tirada Dumarkuna badato, ilaa kontonkii Dumar ahba uu ku soo aado hal nin, kaasoo danahooda iyo maslaxadooda ka shaqaynaya.فوائد الحديث
Xadiiska waxaa ku sugan cadaynta calaamadaha Qiyaamaha qaarkood.
Ogaanshaha Waqtiga Qiyaamaha wuxuu ka mid yahay waxyaabaha Qaybka ah ee Ilaahay kaligi og yahay.
Waxaa la isku booriyey in Cilmiga Shareecada la barto intaan la waayin.