War hooy ma laga yaaba in Xadiiskaygu gaaro nin Fadhigiisa ku dangiiga oo uu yiraahdo : waxaa anaga iyo adinka inoo dhexeeya Kitaabka Ilaahay

War hooy ma laga yaaba in Xadiiskaygu gaaro nin Fadhigiisa ku dangiiga oo uu yiraahdo : waxaa anaga iyo adinka inoo dhexeeya Kitaabka Ilaahay

Almiqdaam Binu macdi yakrib Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri-: "War hooy ma laga yaaba in Xadiiskaygu gaaro nin Fadhigiisa ku dangiiga oo uu yiraahdo : waxaa anaga iyo adinka inoo dhexeeya Kitaabka Ilaahay, waxaan ka helno ee xalaal ah waan xalaashanaynaa, waxaan ka helno ee xaaraan ahna waan iska xarimeynaa, hadaba wuxuu xarimay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waa sida waxa Ilaahay xarimay".

[Xadiis Saxiix ah] [waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi,ibn maajah]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu soo dhawaaday waqti ay orondoonaan dadka qaarki iyagoo fadhiya, oo midkood ku dangiiga gogoshiisa, oo uu soo gaaro Xadiiska Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, oo markaas uu dhaho: waxaan ku kala baxaynaa Qur'aanka kariimka ah isagaana nagu filan, waxaan ku aragno ee xalaal ah waan ku camal falaynaa, waxaan ku aragno ee xaaraan ahna waan ka fogaanaynaa. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, ka dib wuxuu cadeeyey wax kastoo Nabigu xarimay ama ku reebay Sunadiisa inuu la mid yahay xugunka Ilaahay ku xarimay Kitaabkiisa, waayo Nabigu Ilaahay ayuu fariinta ka sidaa.

فوائد الحديث

Xadiiska waxaa ku sugan in Sunada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee loo weyneynayo sida Qur'aanka loo weyneeyo waxna waa laga qaadanayaa.

Adeecida Rasuulka waa adeecida Ilaahay, ku caasinta Rasuulkana waa ku caasinta Ilaahay.

Xadiiska waxaa ku sugan xujonimada Sunada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo in laga difaaco Sunada kuwa la dirirsan ama diidan.

Qofka diidan Sunada ee sheegta inuu Qur'aanka ku gaabsanayo, waa mid labadaba diidan oo ka been Sheegaya wuxuu sheganayo oo ah inuu Qur'aanka raacayo.

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, nabinimadiisa waxa cadaynaya waxaa ka mid ah: inuu sheego shay dhicidoona mustaqbalka, shaygiina sidii uu u sheegay u dhacayo.

التصنيفات

Muhimada Sunada iyo Makaanadeeda, Nabinimada, Nolosha Guursiga