Qofka muslim ka ah marka lagu su'aalo qabriga dhexdiisa su'aalaha: wuxuu qirayaa shahaadateynka (Ashhadu allaa ilaaha ilaa Allaah wa ash hadu ana Maxamed Rasuulu Allaah

Qofka muslim ka ah marka lagu su'aalo qabriga dhexdiisa su'aalaha: wuxuu qirayaa shahaadateynka (Ashhadu allaa ilaaha ilaa Allaah wa ash hadu ana Maxamed Rasuulu Allaah

Barraa Binu Caasib-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu Rasuulka ka wariyey inuu yiri: "Qofka muslim ka ah marka lagu su'aalo qabriga dhexdiisa su'aalaha: wuxuu qirayaa shahaadateynka (Ashhadu allaa ilaaha ilaa Allaah wa ash hadu ana Maxamed Rasuulu Allaah", waana hadalka Ilaahay yiri: {Ilaahay wuxuu ku sugayaa kuwa iimaanka leh hadalka xaqa ah ee sugan nolosha aduunka iyo mida aakhiroba} [ suurada ibraahim: 27].

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Muuminka qabrigaa lagu waydiin su'aalo, labada malag oo wakiil looga dhigay ayaa weydiinaya su`aalaha waana Munkar iyo Nakiir, sida magacdoodu ugu soo arooray axaadiis dhowr ah, Wuxuu qirayaa Ashhadu allaa ilaaha ilaa Allaah wa anna Maxamed Rasuulu Allaah, Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- hadalka sugan ee Ilaahay sheegay waa kaas: {Ilaahay ayaa ku sugaya oo waafajinaya kuwa iimaanka leh, hadalka sugan nolosha aduunka iyo tan aakhiroba} [ suurada ibraahiim:27].

فوائد الحديث

Su'aasha qabrigu waa xaq.

Xadiiska waxaa ku cad fadliga Ilaahay siiyey muuminiinta aduunka iyo aakhiroba waayo Ilaahay wuxuu ku sugayaa hadalka sugan aduun iyo aakhiroba-.

Fadli wayn ayey leedahay shahaadada towxiidka ah iyo in iyada lagu dhinto.

Sugudiga Ilaahay ku sugayo muuminiinta aduunka waa inay iimaanka ku sugnaadaan, iyo inay raacaan jidka toosan, marka ay dhimanayaana ay ku dhintaan towxiidka, qabrigana ilaahay ku sugo marka labada malag su`aasha waydiinayaan.

التصنيفات

Nolosha Guursiga