إعدادات العرض
Ha u baranina cilmiga si aad ugu faantaan culimada ama ugu la murantaan dadka xun
Ha u baranina cilmiga si aad ugu faantaan culimada ama ugu la murantaan dadka xun
Jaabir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaado isaga iyo ِabihiye waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Ha u baranina cilmiga si aad ugu faantaan culimada ama ugu la murantaan dadka xun ama in la idinku ixtiraamo, Qofka intaa suubiya Naartuu mudan Naartuu muda".
[Xadiis Saxiix ah] [Waxaa wariyay Ibnu Maajah]
الترجمة
العربية English မြန်မာ Svenska Čeština ગુજરાતી Yorùbá Nederlands اردو Español Bahasa Indonesia ئۇيغۇرچە বাংলা Türkçe Bosanski සිංහල हिन्दी Tiếng Việt Hausa മലയാളം తెలుగు Kiswahili ไทย پښتو অসমীয়া Shqip دری Ελληνικά Български Fulfulde ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Română Kinyarwanda Српски тоҷикӣ O‘zbek नेपाली Kurdî Wolof Moore Français Oromoo Azərbaycan Tagalog Українська தமிழ் bm Deutsch ქართული Português Македонски Magyar Русский 中文 فارسی kmالشرح
Nabiga Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu ka digay in cilmiga loo barto in lagu faano ama in culimada lagula tartamo, ama si uu u muujiyo inuu culumo yahay, iyo in lagula murmo wax ma Garadka, iyo in loo barto in la xurmeeyo ama mudnaanta la siiyo. Qofka sidaa sameeya, wuxuu mudanayaa Naarta, waayo cilmiga Ilaahay darti loo barto ayuu u bartay istustus iyo ikhlaas la'aan.فوائد الحديث
Naarta ayaa loogu goodiyey Qofka cilmiga u barta faan ama inuu Culimada kula murmo ama in lagu xurmeeyo iyo wixii la mida.
Ahmiyada ay leedahay in ikhlaas loola yimaado niyada Qofkii doonaya inuu cilmi barto ama uu baro.
Niyadu iyadaa aasaas u ah camalka, iyadana Qofka lagu abaal marin.