dadoow, Ilaahay ayaa idinka bixiyey kibirkii jaahiliyada, iyo ku faanideedii Aabayaasheed

dadoow, Ilaahay ayaa idinka bixiyey kibirkii jaahiliyada, iyo ku faanideedii Aabayaasheed

Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiye: Rasuulka Ilaahay scw dadka ayuu u khudbeeyey maalintii Makah la furay, wuxuuna yiri: "dadoow, Ilaahay ayaa idinka bixiyey kibirkii jaahiliyada, iyo ku faanideedii Aabayaasheed, dadku waa laba qof uun: mid baari ah oo taqi ah, Ilaahayna kariim ku ah, iyo mid faajir ah oo hooge ah, oo aan Ilaahay qiimo la lahayn, dadku waa ilma Nabi Aadam cs, Aadamna ciidaa Ilaahay ka abuuray, Ilaahay wuxuu yiri:{ dadoow, waxaan idinka abuuray lab iyo dhadig, waxaana idinka yeelay shucuub iyo qabiilo, si aad isku aqoonsataan, Ilaahay xagiisana waxaa ugu qiimo badan kan idiinku taqwada badan, Ilaahay waa kii cilmi badan oo khibrad badan} [Al xujuraat:13]).

[Xadiis Saxiix ah.] [Waxaa wariyay At-tirmidi]

الشرح

Nabigaa scw wuxuu u khudbeeyey dadka maalinta makah la furay, wuxuuna yiri: dadow, Ilaahay ayaa idinka kor qaaday oo idinka bixiyey kibirkii jaahiliyada iyo islawaynideedii iyo iskugu faanidii aabayaasha, dadku waa labo nuuc uun: Waa mid mu'umin baari ah oo taqi ah oo Ilaahay casa wajala adeecay oo caabuda, kaasi Ilaahay kariim ayuu ku yahay, yuuba ahaane mid sharaf iyo nasab dadka ku dhex lehe. iyo mid gaal faajir ah oo hooge ah, kaasina Ilaahay xaggiisa wuxuu ka yahay mid aan qiimo lahayn oo duli ah oo aan waxba ahayn, haba haaado mid nasab ama waji iyo saldano leh. Dadka dhamaantood waa ubadkii Aadam, Aadamna Ilaahay wuxuu ka abuuray ciid, kuma haboona mid asalkii laga abuuray ciid inuu kibro oo uu is cajabiyo, waxaana u daliil ah qawlka Ilaaay casa wajala yiri: {dadoow anagaa idinka abuurnay lab iyo dhadig, waxaanan idinka yeelnay shucuub iyo qabiilo, si aad isku garataan, xaga Ilaahay waxaa idiinku karaamo badan kan idiinku taqwo badan, Ilaahay waa cilmi badane khibrad badan.} [al-xujuraat:13].

فوائد الحديث

Waa la reebay in la isugu faano nasabka iyo qabiilka.

التصنيفات

Fadliga Islaamka iyo wanaagiisa, Diinta Islaamka Guud ahaan, Islaamku xuquuqda uu siiyey iinsaanka, Tafsiirka Aayaatka