إعدادات العرض
Ha xiranina xariirta iyo diibaajka, hana ku cabina weelasha dahabka iyo fidada ka samaysan, hana ku cunina wax xeerooyinka labadaa ka samaysan, waayo gaaladaa aduunka wax ku cuna inaguna aakhiraan leenahay
Ha xiranina xariirta iyo diibaajka, hana ku cabina weelasha dahabka iyo fidada ka samaysan, hana ku cunina wax xeerooyinka labadaa ka samaysan, waayo gaaladaa aduunka wax ku cuna inaguna aakhiraan leenahay
Cabduraxmaan Binu Abii Laylaa waxaa laga wariyey inay la joogeen Xudayfa oo codsaday in la waraabiyo markaasaa waxaa waraabiyey nin majuusi ah, markuu galaaskii qabtay ayuu ku tuuray isagii, wuxuu yiri: hadii aan la ii diidi lahan mar iyo labo maahee, waaba isaga oo aad moodid inuu leeyahay: sidaa ma sameeyeen, laakiin Nabigaan ka maqlay isagoo dhahaya: "Ha xiranina xariirta iyo diibaajka, hana ku cabina weelasha dahabka iyo fidada ka samaysan, hana ku cunina wax xeerooyinka labadaa ka samaysan, waayo gaaladaa aduunka wax ku cuna inaguna aakhiraan leenahay."
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी ئۇيغۇرچە Hausa Português Kurdî മലയാളം Kiswahili සිංහල دری Svenska አማርኛ অসমীয়া ไทย Tiếng Việt Yorùbá Кыргызча ગુજરાતી Malagasy नेपाली Română Nederlands Oromoo پښتو తెలుగు Kinyarwanda ಕನ್ನಡ Српски Moore Lietuvių ქართულიالشرح
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu u diiday raga inay xirtaan dharka xariirta ah dhaaman noocyadiisa kala duwan. Raga iyo dumarkabana wuxuu ka reebay inay ku cunaan ama ku cabaan weelasha ka samaysan dahabka iyo fidada. Nabigu scw wuxuu u sheegay inay mu'uminiitu gaar u yeelan doomaan maalinta qiyaamaha, waayo aduunka ayey uga tageen iyagoo Ilaahay ku adeecaya. Gaaladuse alaabtaa ma helayaan aakhiro, waayo noloshoodii aduunka ayey ku soo hor marsadeen wanaagoodii wayna soo isticmaaleen alaabtaas, Ilaahayna way ku caasiyeen.فوائد الحديث
Raga waa ka xaaraan inay ku labistaan xariirta iyo diibaajka, goodi adag ayaa ugu soo arooray qofkii labista.
Haweenka waa u banaan tahay inay ku labistaan xariirta iyo diibaajka.
Waa xaaraan in wax lagu cuno oo wax lagu cabo weelasha dahabka iyo fidada weelasha labadaas laga sameeyey rag iyo dumarba waa ka xaaraan.
Xudayfa aad ayuu u adkeeyey diidmada isticmaalka weelashaa kor ku xusan, waayo ninkaan mar wax ka badan ayuu ka reebay isticmaalka weelasha dahabka iyo fidada, laakiin ma uusan ka joogsan.
التصنيفات
Aadaabta labiska