taasi waa xidid dartiiye salaada jooji qadarkii ayaamaha xaydku kugu dhici jiray, ka dibna ka qubayso oo salaada tuko

taasi waa xidid dartiiye salaada jooji qadarkii ayaamaha xaydku kugu dhici jiray, ka dibna ka qubayso oo salaada tuko

Caa'isha, mu'uminiinta Hooyadood- Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Faadumo bintu Abii Xubaysh ayaa Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- su'aal waydiisay waxayna tiri: Anigu dhiig furan baan leehay oo daahir ma noqdee salaada ma ka tagaa? wuxuu yiri: "maya, taasi waa xidid dartiiye salaada jooji qadarkii ayaamaha xaydku kugu dhici jiray, ka dibna ka qubayso oo salaada tuko."

[Xadiis Saxiix ah.] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Faadumo Bintu Xubaysh Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- waxay waydiisay oo tiri: aniga dhiigu igama joogsado oo wuxuu iga socdaa waqti dhaafsan mudadii dhiiga caadadu iga socon jiray, ee xugunkiisu ma yahay xugunka dhiiga xaydka oo salaada ma joojiyaa.? Nabigu scw. wuxuu ku yiri: kaasi waa dhiig istaxaado ah waana dhiig jiro ah wuxuuna ka soo baxaa xidid Raximka ku jira ee ma aha dhiigii caadada. marka aad gaadho waqtigii aad heli jirtay dhiiga caadada ee bilaha ah intaanu kugu dhicin dhiiga istixaadadu, jooji salaada, soonka iyo wixii loo diidi jiray mida xaydka qabta. Hadii mudadaas qadarkeedu dhamaado, waxaad noqonaysaa mid xaydka daahir ka noqotay, meesha dhiiga iska dhaq, ka dibna si kaamila uga qubayso xadaska, oo tuko.

فوائد الحديث

Waa waajib Dumarku inay ka qubaystaan marka uu ka dhamaado ayaamaha xaydku.

Salaaddu waa ku waajib mida dhiiga istixaadada qabta.

Xaydku: waa: dhiiga dabiici ah oo raximku soo saaro, isagoo soo mariya xubinta taranka ee dumarka qaan gaaray, kaasoo ku dhaca dumarka ayaamo la yaqaan.

Istixaadadu waa: dhiig soconaaya waqti aan ahayn waqtigii dhiiga caadada, kaasoo ka imanaaya qaybta soke ee raximka ee aan ahayn guntiisa hoose.

Farqiga u dhexeeya dhiiga caadada iyo midka itixaadada: dhiiga caadadu waa madow adag oo ur qarmuun, kan istixaadaduna waa casaan khafiif ah oo aan lahayn ur qarmuun.

التصنيفات

Xaydka iyo Nifaaska iyo dhiig shubanka