Nin mu'umin ahi gabar mu'uminad ah yaanu dhaqan ku nicin, haduu dhaqan xumo ku dhibsado wuxuu ka helaayaa dhaqan kale oo uu ku jeclaado

Nin mu'umin ahi gabar mu'uminad ah yaanu dhaqan ku nicin, haduu dhaqan xumo ku dhibsado wuxuu ka helaayaa dhaqan kale oo uu ku jeclaado

Abii Hureyra -Allah ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri: " Nin mu'umin ahi gabar mu'uminad ah yaanu dhaqan ku nicin, haduu dhaqan xumo ku dhibsado wuxuu ka helaayaa dhaqan kale oo uu ku jeclaado" ama waxaa yiri: " qayrki".

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu reebay inuu ninku xaaskiisa u caroodo caro gaarsiin karta inuu dulmiyo oo uu ka tago oo dhabarka u jeediyo: waayo dadka waxaa lagu abuuray nuqsaan, haduu dhaqan xun ku arko wuxuu ka helayaa dhaqan kaloo fiican, wuxuu kaga raali ahaanayaa dhaqanka fiican ee kuu ku waafaqsan yahay, wuuna ku sabrayaa wixii dhaqan xun ah ee uusan kaga raali ahayn, taasina waxay ka dhigaysaa inuu ku sabro oo uusan ku nicin nicitaan ku kalifa inuu isaga tago.

فوائد الحديث

Waxaa loogu yeerayaa mu'uminka cadaalad iyo in caqligu shaqeeyo khilaaf walba oo soo kala dhex gala isaga iyo xaaskiisa, waana inuusan u leexan in caadifada iyo xanaaqa ku meel gaarka ahi shaqeeyaan.

Mu'uminka xaalkiisu waa inuusan u xanaaqin Muminad xanaaq kaamil ah oo ku kalifa inuu isaga tago, balse waxaa haboon waxa uu ku dhibsanaayo inuu ku ilaawo waxaa uu ku jecel yahay.

Waxaa lagu boorinayaa labada is qabta inay sifiican isu dhaqdaan oo si wanaagsan u wada noolaadaan.

Iimaanku wuxuu keenaa akhlaaqda wanaagsan, ninka mu'uminka ah iyo gabadha mu'uminada ahi kama marnaan karaan akhlaaq wanaagsan, waayo iimaanka ayaa keenaya in labadoodu yeeshaan sifooyin wanaagsan.

التصنيفات

Nikaaxa, Axkaanta Dumarka