إعدادات العرض
Dadka waxaa ugu shar badan kuwa ay saacadu ku dhacdo iyagoo nool, iyo kuwa qabuuraha ka dhigta masaajid
Dadka waxaa ugu shar badan kuwa ay saacadu ku dhacdo iyagoo nool, iyo kuwa qabuuraha ka dhigta masaajid
Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- isagoo dhahaya: "Dadka waxaa ugu shar badan kuwa ay saacadu ku dhacdo iyagoo nool, iyo kuwa qabuuraha ka dhigta masaajid".
[Xadiis Xasan ah] [Waxa wariyay Axmed]
الترجمة
ar bn bs en es fa fr id ru tl ur zh hi ku ha pt ml te sw ta si my de ja ps vi as sq sv cs gu yo ug tr prs ky or rw ne ro lt kn nl sr uk wo mos ka az hu mk mgالشرح
Nabigu wuxuu sheegay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- dadka ugu sharka badan, oo ah kuwa ay saacadu ku dhacdo iyagoo nool, iyo kuwa qabuuraha ka dhigta masaajid, kuna tukada qabuuraha xageedana u tukada.فوائد الحديث
Waa xaaraan in xabaalaha masaajid laga dhigto, waayo arinkaasi wuxuu qofka gaar siinayaa shirki.
Waa xaaraan in salaada qabuuraha lagu tukado xataa hadaan dhismo laga dhisin, waayo masaajid macnihiisu waa meesha lagu sujuudo yaanu dhisnaan bee.
Qofka ka dhigta qabuurta dadka saalixiinta ah masaajid kuna tukada wuxuu ka mid ahaanayaa dadka ugu sharka badan khalqiga, haba ahaado ujeedkiisu inuu Ilaahay ugu dhawaadee.
التصنيفات
Calaamadaha Qiyaamaha