إعدادات العرض
Way halaagsameen kuwa Diinta
Way halaagsameen kuwa Diinta
Cabulaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri : "Way halaagsameen kuwa Diinta isku adkeeya" seddex jeer ayuu yiri.
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Türkçe اردو 中文 हिन्दी Tagalog ئۇيغۇرچە Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் မြန်မာ Русский Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી Yorùbá Nederlands සිංහල ไทย دری Akan Български Fulfulde Magyar ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy or Română Kinyarwanda тоҷикӣ O‘zbek नेपाली Moore Azərbaycan Wolof Oromoo Українська bm km rn ქართული Македонски Српски Ελληνικά አማርኛالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay guul darada iyo khasaaraha ku dhacaya kuwa Diinta isku adkeeya iyagoo toosnaan iyo cilmi ku socon Diintooda iyo Aduunyadoodaba, iyo hadalkooda iyo ficilkoodaba, kuwaasoo dhaafay xadka Sharciga ah ee Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee la yimid.فوائد الحديث
Waxaa la xarimay in la isku adadkeeyo oo la isku kalifo arin walba, waxaana la isku booriyey in isku adkayta laga fogeeyo arin walba, gaar ahaana arimaha cibaadada iyo waynaynta saalixiinta.
Qofku inuu raadiyo cibaadada ugu saraysa iyo qayrkeedba waa arin fiican, waxayna noqonaysaa Sharciga oo la raaco.
Waa Suno in la adkeeyo arinkii muhiim ah, waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu ku soo celceliyey hadalkaa seddex jeer.
Xadiiska waxaa ku sugan wanaaga Islaamka iyo fudaydkiisa.
التصنيفات
Towxiidka Ilaahnimada