Xalaashu way cadahay, xaaraantuna way cadahay

Xalaashu way cadahay, xaaraantuna way cadahay

Nucmaan Binu Bashiir Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay scw isagoo dhahaya: wuxuuna Nucmaan la aaday labadiisa farood dhagahiisa: "Xalaashu way cadahay, xaaraantuna way cadahay, waxaana u dhexeeya shubuhaat, oo dad badani aysan aqoon, qofka ka dhowrsada shubuhaatka wuu ilaaliyey diintiisa iyo cirdigiisa, qofkase ku dhaca shubuhaatka xaaraan buu ku dhacay, sida xoola raaca seeraha ku ag raaco waxay u dhawdahay in xooluhu u dhacaan oo daaqaan", war hooy boqor walba wuxuu leeyahay seero, war hooy seeraha Ilaahay waa wuxuu xarimay, war hooy jirka waxaa ku jira xubin, haday hagaagto jirkoo dhan uu hagaagayo, haday xumaatana jirkoo dhan uu xumaanayo,war hooy taasi waa qalbiga.

[Xadiis Saxiix ah.] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu scw wuxuu cadeeyey qaacido guud oo shay walba soo galayo, taasoo u qaybsamaysa sadex qaybood: qayb xalaal ah oo cad, qayb xaaraan ah oo cad, iyo arimo mushtabihaat ah oo aan xugunkoodu xalaal iyo xaaraan kii uu yahay aysan cadayn, kuwaasoo dad badani aanay ogaan karin. Qofka ka taga mushtabihaatka wuu ilaaliyey diintiisa wuxuuna ka fogaaday xaaraanta, waxaana cirdigiisu ka badbaaday hadalka dadka oo ah waxay ku ceebeyn lahaayeen haduu ku dhici laha mushtabihaatka. Qofkase aan ka fogaan shubuhaatka dhab ahaan naftiisu waxay halis u tahay inay xaaraan ku dhacdo ama in dadku cirdigiisa wax ka sheegaan. Rasuulku scw wuxuu tusaale u soo qaatay, si uu u cadeeyo arinka qofka shubuhaatka ku dhaca, inuu yahay sida qof xoolaha ku ag raaca dhul ninkii lahaa dayr ku wareejiyey, waxaa laga yaabaa in xoolahaasi daaqaab dhulkaa xiran waayo way u dhaw yihiin, taas waxaa la mida qofka ku dhaca shubuhaadka, waayo wuxuu u dhawaanayaa xaaraantii waxaa dhici kara inuu ku dhaco. Ka dib Nabigu scw wuxuu sheegay in jirka ay ku jirto xubin " waa qalbiga ", uu wanaageeda jirkoo dhan ku hagaago, xumaanteedana jirkoo dhan ku xumaanyo.

فوائد الحديث

Waxaa la isku boorinayaa in laga fogaado shubuhaatka, ee xukunkoodu qofka u cadayn.

التصنيفات

Xugunka Sharciga ah, Fadliga camalka Qalbiga, Nadiifinta Nafta