Qofka dhaha: Subxaana Allaahi wa Bixamdihii, boqol jeer Maalintii dambigiisa waa loo dhaafaa haba haato Daad xoorta Badda oo kalee

Qofka dhaha: Subxaana Allaahi wa Bixamdihii, boqol jeer Maalintii dambigiisa waa loo dhaafaa haba haato Daad xoorta Badda oo kalee

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofka dhaha: Subxaana Allaahi wa Bixamdihii, boqol jeer Maalintii dambigiisa waa loo dhaafaa haba haato Daad xoorta Badda oo kalee".

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay Qofka dhaha Maalintii boqol jeer: "subxaana Allaahi wa bixamdihii" waa laga tirtiraa oo loo dhaafaa dambigiisa, haba badnaado sida xoorta cad ee Badda dul saaran marka Baddu kacsan tahaye.

فوائد الحديث

Ajarkaa waxaa helaya Qofka u dhaha Maalintii si xiriir ah ama si aan xiriir ahaynba.

Tasbiixdu: waa Ilaahay oo laga hufo nusqaanta, Xamdiguna: waa Ilaahay oo lagu sifeeyo kaamilnimo isagoo la jecel yahay oo la waynaynaayo.

Ujeedada Xadiisku waa in dambiga yar la dhaafayo, danbiga waynse waxaa lagama maarmaan ah in laga towbad keeno.

التصنيفات

Fadliga Dikriga