(Ilaahay waa jecel yahay adoonka taqiga ah oo qaniga ah ee qarsoon.)

(Ilaahay waa jecel yahay adoonka taqiga ah oo qaniga ah ee qarsoon.)

Sacad Binu Abii Waqaas Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay waxaan ka maqlay isagoo dhahaya: (Ilaahay waa jecel yahay adoonka taqiga ah oo qaniga ah ee qarsoon.)

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nabigu scw wuxuu sheegay in Ilaahay casa wajala adoomadiisa uu qaar jecel yahay. Waxaa ka mida kan taqiga ah: ee amarka Ilaahay ku taagan, kana fogaada wixii Ilaahay ka reebay. wuxuu jecel yahay kan qaniga ah: waa kan Ilaahay casa wajala kaga kaaftooma dadka oo Ilaahay mooyee aan cid kale eegayn. Ilaahay wuxuu jecel yahay kan qarsoon: ee tawaaduca ee rabigi caabuda oo ka shaqeeya wixii isaga anfacaaya, kaaso aan ahmiyad siinin in qofna barto ama la sheeg sheego oo la amaano.

فوائد الحديث

waxaa la cadeeyey qaar ka mida sifaadka keenaya in Ilaahay jeclaado adoomadiisa, sida taqwada, tawaaduca iyo in lagu raali ahaado wixii Ilaahay siiyey.

التصنيفات

Akhlaaqda wanaagsan