إعدادات العرض
waxaad u arki doontaan Rabigiin sidaad dayaxan aad u arkaysaan, idinkoon isku ciriiryeyn aragtida Ilaahay
waxaad u arki doontaan Rabigiin sidaad dayaxan aad u arkaysaan, idinkoon isku ciriiryeyn aragtida Ilaahay
Jariir Binu Cabdullaahi-Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo la jooga ayuu fiiriyey dayaxa-habeen uu ahaa 14, wuxuuna yiri: " waxaad u arki doontaan Rabigiin sidaad dayaxan aad u arkaysaan, idinkoon isku ciriiryeyn aragtida Ilaahay, hadaad awoodaan inaad ilaalisaan Salaada inta Qoraxda aanay soo bixin iyo inta aanay dhicin sameeya" ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu akhriyey Aayadan Qur'aanka ah: {ku tasbiixso xamdiga Rabigaa intaan Qoraxdu soo bixin iyo inta aanay dhicin}.
الترجمة
العربية Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Türkçe اردو 中文 हिन्दी বাংলা Kurdî Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் සිංහල မြန်မာ ไทย Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી Yorùbá ئۇيغۇرچە Hausa دری Кыргызча or Kinyarwanda नेपाली Română Lietuvių Oromoo Српски Nederlands Українська ಕನ್ನಡ Wolof Moore ქართული Azərbaycan Magyar Tagalog Македонски አማርኛالشرح
Saxaabadu habeen ayey la joogeen Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu eegay Dayaxa oo ahaa Habeenka 14aad- wuxuuna yiri: Muuminiintu Rabigood waxay ku arkidoonaan Indhahooda si dhab ah, isagoon cidna shabihin, dadkuna iskuma ciriiryayaan aragtidiisa, kuna dhicimaayo daal iyo mashaqo midna marka ay Ilaahay arkayaan. Ka dibna Rasuulku Ilaahay wuxuu yiri: Hadaad kartaan inaad iska joojisaan asbaabta idin dhaafinaysa Salaada fajarka iyo Salaada Casarka sameeya, oo la imaada labadaas Salaadood waqtigoda iyagoo kaamila oo jamaaco aad la tukateen, arintaasi waxay ka mid tahay asbaabta keenta in Ilaahay casa wajala wajigiisa la arko. Ka dib wuxuu akhriyey Suubanuhu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Aayadaan: {Ku tasbiixso Xamdiga Rabigaa Qooraxdu inta aanay soobixin iyo inta aanay dhicin}.فوائد الحديث
Dadka iimaanka leh waxaa loogu bishaaraynayaa inay Ilaahay ku arkidoonaan Janada.
Qaababka loo gudbiyo Dacwada Ilaahay waxaa ka mida: adkaynta, jeclaysiinta iyo in tusaale la soo gaato.
التصنيفات
Nolosha Aakhiro