إعدادات العرض
(Aduunyadu waa raaxo, raaxada aduuna waxaa u khayr badan gabar saalixad ah
(Aduunyadu waa raaxo, raaxada aduuna waxaa u khayr badan gabar saalixad ah
Cabdulaahi Binu Camar Allaha ka raali ahaado isagiyo aabihiibe wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay scw inuu yiri: (Aduunyadu waa raaxo, raaxada aduuna waxaa u khayr badan gabar saalixad ah.
[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Tiếng Việt සිංහල Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు မြန်မာ ไทย Deutsch 日本語 پښتو অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە Kiswahili தமிழ் دری Fulfulde Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy Română Kinyarwanda नेपाली Српски Wolof Moore Українська Български Azərbaycanالشرح
Nabigu scw wuxuu sheegay in aduunyada iyo waxa dhex yaalaba ay yihiin wax waqti kooban lagu raaxaysto, ka dibna tagaya, raaxada aduun waxaa ugu fiican xaas saalixad ah, taasoo markuu ninkeedu eego farxad gelisa, markuu wax farana adeecda, markuu ka maqnaadana nafteeda iyo maalkiisaba ilaalisa.فوائد الحديث
Waxaa banaan ku raaxaysiga wax yaabaha wanaagsan ee Ilaahay u xalaaleeyey adoomadiisa iyadoon la israafayn ama riyo beenaad laga dhigin.
Waxaa la isku booriyey xulashada xaas wanaagsan, waayo waxay ninkeeda ku caawinaysaa inuu rabigi caabudo.
Raaxada aduunka waxaa ugu khayr badan wixii cibaadada Ilaahay la xiriira ama wixii cibaadada ku kaalmeeya.
التصنيفات
Axkaanta Dumarka