إعدادات العرض
waxaa idiinku ikhyaarsan kuwa idiinku akhlaaq fiican
waxaa idiinku ikhyaarsan kuwa idiinku akhlaaq fiican
Cabdullaahi Binu Camar Allah ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ma ahayn mid af xun oo ma xishoode ah, wuxuuna dhihi jiray: " waxaa idiinku ikhyaarsan kuwa idiinku akhlaaq fiican."
[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Tiếng Việt සිංහල ئۇيغۇرچە Kurdî Hausa Português മലയാളം မြန်မာ ไทย Deutsch 日本語 پښتو অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી Yorùbá Nederlands తెలుగు Kiswahili தமிழ் دری Magyar ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy Română Kinyarwanda नेपाली Српски Wolof Moore Українська Български Azərbaycan ქართული тоҷикӣ bm Македонски አማርኛ Oromoo ភាសាខ្មែរالشرح
Kama mid ahayn Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee akhlaaqdiisa hadalka xun iyo ficilka xuni, mana ahayn mid u qasda xumaanta ama ula kac u sameeya xumaan, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa mid akhlaaq wayn leh. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu oran jiray kan Ilaahay xagiisa idiinku fadliga badan waa kan idiinku akhlaaq wanaagsan, sida wanaag bixinta waji furnaanta, dhib la'aanta, u dul qaadashada dadka, iyo dad la dhaqanka wanaagsan.فوائد الحديث
Muuminka waxaa ku haboon inuu ka fogaado fuxshiga, hadlka xun iyo ficilka xun.
Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee akhlaaqdiisa kaamil nimadeeda kama soo bixi jirin camal saalixa iyo ereyo fiican maahee.
Akhlaaq wanaagu waa goob banaan oo lagu tartamo, qofka u dheereeya wuxuu ka mid noqonayaa muuminiinta ikhyaartooda ee iimaankoodu kaamilka yahay .
التصنيفات
Akhlaaqda wanaagsan