إعدادات العرض
Sheydaankaa u imaan midkiin wuxuuna ku dhihin yaa abuuray kaas? yaa abuuray kaas? Ilaa uu yiraahdo yaa abuuray Rabigaa?, haduu halkaa soo gaaro Ilaahay ha ka magan galo hana ka joogsado
Sheydaankaa u imaan midkiin wuxuuna ku dhihin yaa abuuray kaas? yaa abuuray kaas? Ilaa uu yiraahdo yaa abuuray Rabigaa?, haduu halkaa soo gaaro Ilaahay ha ka magan galo hana ka joogsado
Abii Hureyra Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey in Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee uu yiri: Sheydaankaa u imaan midkiin wuxuuna ku dhihin yaa abuuray kaas? yaa abuuray kaas? Ilaa uu yiraahdo yaa abuuray Rabigaa?, haduu halkaa soo gaaro Ilaahay ha ka magan galo hana ka joogsado.
الترجمة
العربية English မြန်မာ Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands اردو Español Bahasa Indonesia ئۇيغۇرچە বাংলা Türkçe Bosanski සිංහල हिन्दी Tiếng Việt Hausa മലയാളം తెలుగు Kiswahili ไทย پښتو অসমীয়া Shqip دری Ελληνικά Български Fulfulde Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy or Română Kinyarwanda Српски тоҷикӣ O‘zbek नेपाली Moore Kurdî Oromoo Wolof Français Tagalog Azərbaycan Українська bm தமிழ் Deutsch ქართული Português Македонски Magyar فارسی Русский 中文 kmالشرح
Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay daawada ugu fiican ee su`aalaha uu ku waswaasiyo sheydaanku Muuminka. Sheydaanku wuxuu oran: yaa abuuray kaas? yaa abuuray kaas? yaa abuuray Samada? yaa abuuray Dhulka? Muuminku wuxuu ugu jawaabayaa Diin ahaan, Fidro ahaan iyo Caqli ahaan isagoo dhahaya: Allaah. laakiin Sheydaanku ku joogsanmaayo xadkaas waswaasinta ah balse wuxuu u gudbayaa inuu dhoho: yaa abuuray Rabigaa? Markaas Muuminku wuxuu waswaaskaas isaga joojin karaa seddex arimood: Ilaahay oo uu rumeeyo. Iyo inuu Ilaahay Shaydaanka ka magan galo. Iyo inuu ka joogsado inuu waswaaska sii wado.فوائد الحديث
Xadiiska waxaa ku sugan in la iska joojiyo waswaaska Sheydaanka iyo waxa nafta ku soo dhacaya oo aan lagu fakarin wax yaabaha waswaaska ah, oo Ilaahay ka magan galo inuu ka joojiyo waswaaskaas.
Wax kasta oo qalbiga dadka ku soo dhaca oo waswaas ah Sharcigana khilaafsan Shaydaan ayuu ka yimid.
Waa la iska reebay in Daatada Ilaahay lagu fekero, waxaana la isku booriyey in Ilaahay khalqigiisa iyo Aayaadkiisa lagu fekero.