Qofka si ula kac ah been iiga sheega, ha u diyaar garoobo booskiisii uu naarta ka fariisan lahaa

Qofka si ula kac ah been iiga sheega, ha u diyaar garoobo booskiisii uu naarta ka fariisan lahaa

Abii Hurayra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ayaa yiri: "Qofka si ula kac ah been iiga sheega, ha u diyaar garoobo booskiisii uu naarta ka fariisan lahaa."

[Xadiis Saxiix ah.] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey qofka si ula kac ah been uga sheega hadal iyo ficil kuu doonaba ha ahaadee, inuu aakhiro ku leeyahay meel uu naarta ka fariisto, iyadoo looga abaal marinaayo beentii ka sheegay Nabiga scw.

فوائد الحديث

Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- oo si bareera been looga sheego waxay sabab u tahay in naarta la galo.

Nabiga scw oo been laga sheego la mid ma'aha been dadka kale laga sheegay, waayo waxaa ku jira fasaad wayn aduun iyo aakhiroba.

Waxaa laga digayaa in la faafiyo Axaadiista inta aan la hubsan inay sax tahay in Nabiga scw ay ka sugnaatay iyo in kale.

التصنيفات

Muhimada Sunada iyo Makaanadeeda, Akhlaaqda xun