dheh: laa Ilaaha Illa Allaah, aan kuu marag furo maalinta Qiyaamee

dheh: laa Ilaaha Illa Allaah, aan kuu marag furo maalinta Qiyaamee

Abii Hurayra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu ku yiri Adeerki (( dheh: laa Ilaaha Illa Allaah, aan kuu marag furo maalinta Qiyaamee)), wuxuu yiri Adeerki hadayna qurayshi igu ceebayn lahayn oo aysan oronayn: waxaa ka keentay cabsi waan oron laha oo kaaga farxin lahaa, Ilaahay ayaa soo dajiyey: {Adigu ma hanoonin kartid qofkaad jeceshahay, laakiin Ilaahay ayaa hanooniya qofkuu doono}: [Alqasas: 56].

[Xadiis Saxiix ah.] [Waxa wariyay Muslim.]

الشرح

Nabigu scw wuxuu ka codsadey adeerki Abii Daalib isaga oo sakaraadkii geerida ku jira, inuu ku dhawaaqo shahaadada, si uu ugu shafeeco maalinta qiyaamaha, oo uga markhaati koco inuu Islaamay, wuu diidey inuu ku dhawaaqo shahaadada, isago ka baqaya in qurayshi ku caydo, oo ku tiraahdo wuxuu u Islaamay ka baqid dhimasho iyo taagdaro! wuxuu ku yiri Nabiga scw: hadayna taasi jirin qalbigaaga waa uga farxin lahaa shahaadada, waxaanan ku tusi lahaa waxaad jeceshahay ilaa aad raali noqoto!, Ilaahaybaa soo dajiyey aayada sheegaysa in Nabigu scw uusan lahayn hidaayada towfiiqda Islaamka, balse Ilaahay casa wajala kaligi ayaa waafajiya cidii uu doono. Nabigu scw ummdda wuxuu ku hanuuniyaa hidaayada dalaalada, Cadynta, hanuuninta iyo inuu jidka toosan dadka ugu yeero.

فوائد الحديث

Xaqa loogama tago cabsi laga qabo dadka hadlkooda.

Nabigu scw wuxuu leeyahay hidaayada dalaalada iyo tan hanuuntinta ee malaha hidaayada towfiiqda.

Way banaan tahay booqashada gaalka buka si loogu yeero diinta Islaamka.

Nabigu scw wuxuu ku dadaalay inuu dadka diinta ugu yeero xaalad walba.

التصنيفات

Qadarka iyo Qadaha oo la rumeeyo, Islaam, Fadliga Towxiidka