Kuma anaan tirin jirin boora-boorowga iyo jaalaha waxba markaan daahirsano ka dib

Kuma anaan tirin jirin boora-boorowga iyo jaalaha waxba markaan daahirsano ka dib

Umu Cadiya -Allaha ka raali ahaadee- waxay la mubaayacootay Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, waxayna tiri: Kuma anaan tirin jirin boora-boorowga iyo jaalaha waxba markaan daahirsano ka dib.

[Xadiis Saxiix ah.]

الشرح

Saxaabiyada Umu Cadiya -Allaha ka raali ahaadee-, waxay sheegtay in haweenku waqtigii Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- aanay waxba ka soo qaadi jirin biyaha ka yimaada farjiga, kaasoo midabkiisu u eg yahay madow, ama jaale, marka xaydka laga daahir noqodo: looma arki jirin xayd, ugamana tagi jirin isaga salaada iyo soonka.

فوائد الحديث

Biyaha ka yimaada farjiga haweenka- markay daahirsadaan ka dib- waxba laga soo qaado xataa haday u eg yihiin boora-boorow ama jaale laguma tiriyo inay dhiiga ka mid yihiin.

Imaanshaha dhiiga boora-boorowga ah iyo kan jaalaha ah waqtiga caadada iyo xaydka wuxuu ka mid yahay dhiiga xaydka, waayo waa dhiig waqtigiisii yimid, laakiin wuxuu ku barxan yahay biyo.

Ugama tegi karto haweenaydu dhiigga buniga iyo kan jaallaha ah soon iyo salaadba hadduu yimaaddo dahaarada kadib, balse way weyso qaadan weyna tukan.

التصنيفات

Xaydka iyo Nifaaska iyo dhiig shubanka