إعدادات العرض
(markuu ramadaanku soo galo cumrayso, cumrada ramadaanku xaj ayey u dhigantaaye)
(markuu ramadaanku soo galo cumrayso, cumrada ramadaanku xaj ayey u dhigantaaye)
Ibnu Cabaas-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku yiri: haweenay reer ansaar ah oo Ibnu Cabaas magaceeda sheegay ee aan ilaaway magaceeda: (maxaa kuu diiday inaad nala xajido?) waxay tiri: waxaan lahayn labo awr oo keliya, mid waxaa ku xajiyey odaygeyga iyo wiilkeyga, wuxuuna nooga tagay mid aan ku dhaan sano, wuxuu yiri: (markuu ramadaanku soo galo cumrayso, cumrada ramadaanku xaj ayey u dhigantaaye).
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Tiếng Việt ئۇيغۇرچە Hausa Kurdî മലയാളം Kiswahili Português සිංහල دری Svenska አማርኛ অসমীয়া ไทย Yorùbá Кыргызча ગુજરાતી Malagasy नेपाली Oromoo Română Nederlands پښتو తెలుగు Kinyarwanda ಕನ್ನಡ Српски Wolof Moore Lietuvių ქართული Українськаالشرح
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markuu ka soo laabtay xajatul-wadaac, ayuu ku yiri haweenay reer ansaar ah oo xajka aan tagin: maxaa kuu diiday inaad xajka noo raacdid? Waxay ku cudur daaratay inay lahaayeen labo awr, oo mid odaygeeda iyo wiilkeedu ku xajiyeen, midna wuu uga tagey si biyaha ceelka uga soo dhaansadaan. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu u sheegay in gudashada cumrada bisha ramadaan dhexdeeda uu u dhigmo ajarkeedu ajarka xajka.فوائد الحديث
Fadliga cumrada ee bisha ramadaan
Cumrada ramadaanka dhexdiisa waxay u dhigantaa ajar ahaan xaj, laakiin kuma dhacayo waajibka xajku.
Ajarka camalku wuxuu ku siyaadaa sharafta uu waqtigu leeyahay, waxaana ka mid ah acmaasha bisha ramadaanka la qabto.
التصنيفات
Fadliga Xajka iyo Cumrada