Yaanu midkiin ku qaban midigtiisa guskiisa isagoo kaadinaaya, oo yaanu midigtiisa isaga tirin najaasada, oo yaanu ku neefsan weelka uu ku cabayo

Yaanu midkiin ku qaban midigtiisa guskiisa isagoo kaadinaaya, oo yaanu midigtiisa isaga tirin najaasada, oo yaanu ku neefsan weelka uu ku cabayo

Abii Qataada-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri: "Yaanu midkiin ku qaban midigtiisa guskiisa isagoo kaadinaaya, oo yaanu midigtiisa isaga tirin najaasada, oo yaanu ku neefsan weelka uu ku cabayo.

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu -naxariis iyo nabdi korkiisa ha ahaatee-wuxuu cadeeyey qaar ka mida aadaabta, isagoo reebay in ninku midigtiisa ku qabto guskiisa markuu kaadinaayo wuxuu kaloo reebay inuu gacantiisa midig uu kaga tiro najaasada guska ama dabada, waayo midigtu waxay u diyaarsan tahay waxyaabaha fiican. Sidaasoo kale wuxuu reebay inuu qofku ku neefsado weelka uu wax ku cabaayo.

فوائد الحديث

Waxaa cad in Islaamku ugu horeeyey aadaabta iyo nadaafada.

Waa in laga fogaado waxyaabaha qurunka ah, hadayse daruuri noqoto waa in gacanta bidix loo adeegsado.

Waxaa la cadeeyey sharafta ay leedahay midigtu iyo inay wax dheer tahay bidixda.

Shareecada Islaamku waa mid kaamil ah, cilmiga shareecaduna waa mid wax walba ku dhan yihiin.

التصنيفات

Aadaabta Cunida iyo Cabida, Aadaabta xaajo gudashada