إعدادات العرض
Waxay la mid yihiin kan la fadhiya nin saalix ah iyo kan la fadhiya nin xun sida kan sita catarka Miskiga iyo kan dabka afuufaya
Waxay la mid yihiin kan la fadhiya nin saalix ah iyo kan la fadhiya nin xun sida kan sita catarka Miskiga iyo kan dabka afuufaya
Abii Muusa Alashcari -Allaha ka raalli ahaadee- Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka wariyey inuu yiri: " Waxay la mid yihiin kan la fadhiya nin saalix ah iyo kan la fadhiya nin xun sida kan sita catarka Miskiga iyo kan dabka afuufaya, kan catarka Miskiga sita: waa inuu kuu mariyo ama aad ka iibsatid, ama aad ka heshid caraf udgoon, kan dabka afuufayana: waa inuu dharka kaa gubo ama ay kaa soo gaarto ur qarmuun".
[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Hausa Kurdî Kiswahili Português සිංහල دری অসমীয়া ไทย Tiếng Việt አማርኛ Svenska Yorùbá Кыргызча ગુજરાતી नेपाली Oromoo മലയാളം Română Nederlands پښتو తెలుగు Kinyarwanda ಕನ್ನಡ Malagasy Српски Moore ქართულიالشرح
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu tusaale u keenay labo nooc oo dadka ka mid ah: nooca 1aad: waa qofka la fadhiya saaxiibka wanaagsan oo tusaaya Ilaahay iyo wuxuu raaliga ka yahay, oo ugu kaalmaynaaya cibaadada Ilaahay. kaasi wuxuu la mid yahay kan iibinaaya Miskiga waa inuu ku siiyo ama aad ka iibsatid, ama aad caraf udgoon ka heshid. nooca 2aad: waa kan la fadhiya saaxiibka xun, ee jidka Ilaahay ka hor istaaga dadka, oo ugu kaalmaynaaya in macsi la sameeyo, oo aad ka arkaysid ficil xun, hadii kaasoo kale la la saaxiibo oo lala fariisto dhib ayaa kaa soo gaaraya. Kaasi wuxuu la mid yahay bir tumaha afuufa dabkiisa, waa inay kaa gubaan dharkaaga dhinbilaha ka soo duulaya ama ay kaasoo gaarto ur qarmuuni.فوائد الحديث
way banaan tahay in tusaale la soo qaato si loogu soo dhaweeyo macnaha cida hadalka dhagaysanaysa.
Waxaa la isku boorinayaa oo la is jeclaysiinayaa in la la fariisto dadka ahlu daacada iyo wanaaga ah, oo laga fogaado dadka ahlu fasaadka ah iyo kuwa akhlaaqda xun.