Nin ayaa Bidixda ku cunay isagoo la jooga Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku yiri: "midigtaada ku cun", wuxuuse yiri: ma awoodo, Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: " ha awoodin

Nin ayaa Bidixda ku cunay isagoo la jooga Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku yiri: "midigtaada ku cun", wuxuuse yiri: ma awoodo, Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: " ha awoodin

Salama Binu Alakwac Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey: Nin ayaa Bidixda ku cunay isagoo la jooga Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku yiri: "midigtaada ku cun", wuxuuse yiri: ma awoodo, Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: " ha awoodin ", kibir baa u diiday, wuxuu yiri: mar danbe Gacantiisii Afkiisa uma qaadin, .

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa arkay nin Bidixda wax ku cunaaya, wuxuuna amray inuu Midigtiisa ku cuno, Wuxuu ku jawaabay inuusan awoodin isagoo ay kibir iyo been ka tahay! Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku habaaray inuu kari waayo Midigta inuu wax ku cuno. Ilaahayna wuu aqbalay habaarkii Nabigiisa oo waa qalashay Midigtiisii, mana awoodin inuu Afkiisa gaarsiiyo intaa ka dib cunto iyo cabitaanba.

فوائد الحديث

Waxaa waajib ah in Midigta wax lagu cuno, waana xaaraan in Bidixda wax lagu cuno.

Qofka iska waynaysiiya ku dhaqanka Axkaanta Shareecada Islaamka wuxuu mudan yahay in la ciqaabo.

Ilaahay wuxuu ku karaameeyey Nabigiisa nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu habaarkiisa aqbalay.

Farida wanaaga iyo reebida xumaha waa waajib shareecadu fartay, xaalad kastoo lagu jiro, xataa waqtiga cuntada.

التصنيفات

Aadaabta Cunida iyo Cabida