adeerow, dheh: laa Ilaaha Ilaa Allaah, kalimadaas Ilaahay agtiisa inaan kaaga markhaati noqdo aan xujo ka dhigtee

adeerow, dheh: laa Ilaaha Ilaa Allaah, kalimadaas Ilaahay agtiisa inaan kaaga markhaati noqdo aan xujo ka dhigtee

Saciid Binu Musayib wuxuu yiri isagoo Aabihii ka warinaya: Markii Abuu Daalib dhimanayey ayaa Rasuulku scw u yimid wuxuu ugu yimid Abuu Jahal iyo Cabdullaahi Binu Abii Umaya Binu Almuqiira oo la jooga, wuuxu ku yiri: "adeerow, dheh: laa Ilaaha Ilaa Allaah, kalimadaas Ilaahay agtiisa inaan kaaga markhaati noqdo aan xujo ka dhigtee ", Abuu Jahal iyo Cabdullaahi Binu Abii Umaya ayaa yiri: ma diintii Aabahaa Cabdul-muddalib baad nici oo aad ka leexan, Nabigu scw kama daaline wuu ku cel-celiyey, iyaguna tooday ku cel-celineyeen, ilaa uu yiri Abuu Daalib hadalkii ugu dambeeyey oo ahaa: diintii Cabdul-muddalib baan ku adkaystay, wuuna diiday inuu dhoho: laa Ilaaha Ilaa Allaah, wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: "Ilaahay ayaan ku dhaartaye waan kuu dambi dhaaf waydiin hadii aan la ii kaa diidin, Ilaahay baa soo dajiyey: "Nabiga iyo muminiinta maaha inay Gaalada u dambi dhaaf dalbaan)) [ tawbah:113], Ilaahay xaalka Abii Daalib wuxuu ku soo dajiyey, wuxuu ku yiri Rasuulkiisa-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-:"Xaqa kuma hanoonin kartid qofkaad jeceshahay , laakiin Ilaahay ayaa ciduu doono xaqa ku hanooniya" [Alqasas: 56].

[Xadiis Saxiix ah.] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa u soo galay adeerkii Abii Daalib isagoo sakaraadkii ku jira, wuxuuna ku yiri: adeerow, dheh: ..laa Ilaaha Ilaa Allaah.., kalimadaas aan Ilaahay agtiisa kaaga markhaati furee, Abuu Jahal iyo Cabdullaahi Binu Abii Umaya oo la joogay baa yiri: Abuu Daalibow ma diintii Aabahaa Cabdul-mudalib baad ka bixi?! taasoo ahayd sanam la caabudo, kama ay dultagin siday ugu cel-celineyeen ilaa uu yiri hadalkii ugu dambeeyey ee uu kula hadlo iyaga, isagoo yiri: diintii Cabdul-mudalib ayaan haystaa, waa diintii shirkiga iyo sanam caabudka ahayd. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: waxaan kuugu ducayn dambi dhaaf hadaanu Rabigay iga diidin arinkaa, waxaa soo dagay hadalkii Ilaahay yiri: "Maaha Nabiga iyo muminiintu inay u dambi dhaaf waydiiyaan mushrikiinta, haba ahaadaan kuwo qaraabo ahee, ka dib markay u cadaatay inay yihiin dad ahlu naar ah} [tawbah:113], Waxaan ku soo dagay Abii Daalib xaalkiisa hadalka Ilaahay yiri: "Nabiyow- adigu xaqa kuma hanuunin kartid qofkaad jeceshahay, laakiin Ilaahay ayaa hanuunka haya oo hanuunka siiya mid kuu doono, Isagaana og kuwa hanuunsan} [Alqasas: 56], Adigu ma hanuunin kartid qofkaad hanuunka la doonto, waxaase ku saaran gaarsiin, Ilaahay ayaana hanuuniya ciduu doono.

فوائد الحديث

Waxaa xaaraan ah in loo dambi dhaaf dalbo gaalada aan tawxiidka ku dhiman, sikasta oo ay u ahaayeen qaraabo ama dad camal fiican qabtay ama kuwo ixsaan badan.

Aabayawga iyo kuwa magaca leh oo looga daydo baadilka waa ficilka dadka jaahiliga ah.

Naxariis badnaanta Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- iyo dadaalka uu u galay dadka hanuunintooda.

Tani waxay radin ku tahay cidii sheegta in Abii Daalib Islaamay.

Camalka waxaa laga qiimeeyaa khaatumadiisa.

waa baadil in Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- iyo qayrkiba in laga rajeeyo inay nafac keenaan ama dhib celiyaan.

qofka dhaha "laa Ilaaha Ilaa Allaah" isagoo yaqaan oo yaqiinsan oo ictiqaadsan Islaamka ayuu soo galay.

dhibaatada ay shar wadayaasha iyo saaxiibada xuni ay dadka u leeyihiin waa mid wayn.

macnaha .. laa ilaaha ilaa Allaah..: waa ka tagida cibaadada Asnaamta, Awliyada, Saalixiinta, iyo in Ilaahay kaligii loo gaar yeelo cibaadada, gaaladuna wayba garanayaan macnaheeda.

Waa la booqan karaa Gaalka jiran hadii rajo laga qabo inuu soo Islaamo.

Hidaayada waafajinta gacanta Ilaahay oo kaliya oo aan lala wadaagin ayey ku jirtaa, Rasuulkana waxaa saaran Hidaayada tusinta, waanada iyo gaarsiinta.

التصنيفات

Tafsiirka Quraanka, Diinta oo Dadka loogu yeero