wuu liibaanay haduu ka run sheego

wuu liibaanay haduu ka run sheego

Dalxa Binu Cubaydu Allaahi -Allaha ka raali ahaadee -wuixuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- nin reer Najdi ah ayaa u yimid oo madax basaasan, oo aan maqlaynay codkiisa wayn, oo aanan fahmayn wuxuu sheegaayo ilaa uu u soo dhawaaday Rasuulka scw, waaba isagoo Islaamka wax ka waydiinaya, wuxuu yiri Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: "salaado shan ah maalintii iyo habeenkii" wuxuu yiri: waxaan iyaga ahayn miyaa igu waajiba? wuxuu ku yiri: "maya, adigoo suno tukada maahee, iyo soonka bisha ramadaan", wuxuu yiri: soon kale ma la igu leeyahay? wuxuu ku yiri: "maya, adigo suno sooma maahee, wuxuuna u sheegay Rasuulku Sakada, wuxuu yiri wax kale-oo sako ah- ma la igu leeyahay? wuxuu ugu jawaabay: "maya, adigo sadaqada badsada maahee", wuxuu yiri -dalxa-: ninkii waa islaabay oo dhaqaaqay, isagoo dhahaya: Ilaahay ayaan ku dhaartee intaa waxna ku darimaayo waxna ka dhimi maayo, Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa yiri: "wuu liibaanay haduu ka run sheego".

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nin reer Najdi ah ayaa u yimid Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ninkaasoo timo basaasan lahaa, codkiisuna aad u dheeraa, wuxuu sheegayana aan la fahmayn ilaa uu Rasuulka u soo dhawaaday, wuxuuna wax ka waydiiyey arkaanta Islaamka?. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku bilaabay salaada, wuxuuna u sheegay in Ilaahay ku farad yeelay habeenkii iyo maalintii shan salaadood. Wuxuu yiri: ma igu waajibaa salaado kale oo aan shantaa ahayn? Rasuulku scw wuxuu ku yiri: maya inaad salaadaha sunada ah tukato maahee. Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka dib wuxuu ku yiri: waxaa Ilaahay kugu waajibiyey soonka bisha ramadaan. Ninkii wuxuu yiri: soon kale oo aan intaa ahayn miyaa igu waajiba? wuxuu yiri: maya, inaad soon suno ah soontid maahee. Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka dib wuxuu sheegay Sakada. Ninkii wuxuu yiri: ma sadaqo kale ayaa igu waajib ah oo aan Sakada faradka ah ahayn? wuxuu yiri: maya, inaad sadaqaysato maahee. Ninkii markuu ka maqlay Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wax yaabahaas faradka ah wuu jeensaday wuuna dhaqaaqay, wuxuuna Ilaahay ugu dhaartay inuu intaa laasimi doono isagoon wax ku darin waxna ka dhimin, Rasuulka ayaa yiri intaa ka dib: haduu ka run sheego wuxuu ku dhaartay wuxuu ka mid ahaanayaa kuwa liibaanay.

فوائد الحديث

Xadiiska waxaa ku cad wanaaga shareecada Islaamka iyo inay u khafiifisay waajibaadka dadka la saaray.

Xadiiska waxaa ku cad dhaqan wanaaga Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- uu kula dhaqmay ninkaa, wuxuu suura geliyey inuu u soo dhawaado, waxna uu ka weydiiyo diinta.

Dacwada Ilaahay waxaa muhiim u ah in lagu bilaabo umuuruhu sidey u kala muhiimsan yihiin.

Islaamku waa caqiido iyo camal, wax ma tarayo camal bilaa iimaan ah, waxna anficimaayo iimaan bilaa camal ahi.

Muhimada ay leeyihiin camaladaani waxayna ka mid yihiin arkaanta islaamka.

Salaada jumcadu waxay soogalaysaa salaadaha shanta ah ee waajibka ah, waayo waxay badal ka tahay salaadii duhurka ee maalinta jumcada ciday ku waajibtay.

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku bilaabay wax u sheegida siday u kala muhimsan yihiin waajibaadka Islaamku oo ah arkaanta islaamka marka laga tago shahaadataynka, waayo muslim buu ahaa ninku, xajka lama xusin, waxayna ahayd intaan la farad yeelin ama waqtigiisii ayaan la gaarin.

Haduu qofku ku gaabsado waajibaadka shareecada oo kali ah wuu ku liibaanayaa, laakiin taas loogama jeedo in sunaha uusan la imaan karin, waayo waajibaadka sunaha ayaa dhamaystira maalinta qiyaamaha.

التصنيفات

Islaam