إعدادات العرض
Qofkii daynta ka suga Qofka Saboolka ah, ama ka dhaafa, Ilaahay wuxu hariyaa hooska Carshigiisa Maalinta Qiyaame ee harkiisa mooyee aan har kale jirin
Qofkii daynta ka suga Qofka Saboolka ah, ama ka dhaafa, Ilaahay wuxu hariyaa hooska Carshigiisa Maalinta Qiyaame ee harkiisa mooyee aan har kale jirin
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Qofkii daynta ka suga Qofka Saboolka ah, ama ka dhaafa, Ilaahay wuxu hariyaa hooska Carshigiisa Maalinta Qiyaame ee harkiisa mooyee aan har kale jirin.
[Xadiis Saxiix ah] [Waxaa wariyay At-tirmidi iyo Axmed]
الترجمة
ar bn bs en es fa fr id ru tl tr ur zh hi ku ha pt ml te sw ta my de ja ps vi as sq sv cs gu yo nl ug si prs ff hu it kn ky lt or ro rw sr tg uz mos ne om wo bg uk az bm ka mk el ak km am mgالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qofka u kaadiya kan daynta qaba ama ka cafiya daynta, waxaa lagu abaal mariyaa in Ilaahay hariyo hooska Carshigiisa Maalinta Qiyaame Maalintaaso Qoraxdu u soo dhawaanayso Adoomada Madaxooda oo kulaylkeedu aad u daran yahay. Maanlintaa Qofna ma helaayo hoos Qof Ilaahay hoos siiyo mooyee.فوائد الحديث
Fadliga iyo fududaynta Ilaahay siiyey Adoomadiisa waxay ka mid tahay asbaabta looga nabad gelaayo kadeedka Maalinta Qiyaamaha.
Abaal marintu waxay noqotaa nooca camalka la qabtay.
التصنيفات
Nolosha Aakhiro