إعدادات العرض
waxaa la i faray inaan dadka la dagaalamo ilaa ay qirayaan in Ilaahay maahee Ilaah kaloo xaq lagu caabudaa uusan jirin, Maxamadna Rasuulka Ilaahay soo diray yahay, salaadana oogaan, sakadana bixiyaan
waxaa la i faray inaan dadka la dagaalamo ilaa ay qirayaan in Ilaahay maahee Ilaah kaloo xaq lagu caabudaa uusan jirin, Maxamadna Rasuulka Ilaahay soo diray yahay, salaadana oogaan, sakadana bixiyaan
Cabdullaahi Binu Cumar -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay ayaa yiri: "waxaa la i faray inaan dadka la dagaalamo ilaa ay qirayaan in Ilaahay maahee Ilaah kaloo xaq lagu caabudaa uusan jirin, Maxamadna Rasuulka Ilaahay soo diray yahay, salaadana oogaan, sakadana bixiyaan, intaa markay sameeyaan waxay iga ilaaliyeen dhiigooda iyo maalkooda, xaqa Islaamku saaray maahee, xisaabtooda aakhirana Ilaahay ayey u taalaa."
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Hausa Kurdî Kiswahili Português සිංහල Svenska ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá ئۇيغۇرچە Tiếng Việt پښتو অসমীয়া دری Кыргызча or Malagasy नेपाली Čeština Oromoo Română Nederlands తెలుగు മലയാളം ไทย Српски Kinyarwanda ಕನ್ನಡ Lietuvių Shqip Wolof Українська ქართული Moore Magyarالشرح
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay inuu Ilaahay amray inuu la dagaalamo mushrikiinta ilaa ay qiraan inuusan jirin macbuud xaq lagu caabudo oo aan Allah wayn ee waaxid ka ah ahayn, wax lala wadaajiyaana aanu jirin, Nabi Maxamadna uga markhaati kacaan in Rasuul Ilaahay u soo dhiibay risaalada diinta, shahaadadaasi waxay keenaysona ku camal falaan sida ilaalinta salaadaha shanta ah ee habeenka iyo maalinta la gudanaayo, iyo inay bixiyaan sakada waajibka ah, iyadoo la siinayo kuwa xaqa u leh. Haday sameeyaan arimahaa kor ku xusan diinta Islaamku way ilaalinaysaa dhiigooda iyo maalkooda, mana banaana dilkoodu inay fal dambiyeed ama jariimo ay dil mutaystaan ku dhacaan maahee iyadoo lagu xukumaayo shareecada Islaamka, maalinta qiyaamahana Ilaahay ayaa iska leh xisaabtooda, isagaa og sirtooda iyo waxa u qarsoone.فوائد الحديث
Axkaanta Islaamka waxaa la xukumaa waxa dadka ka muuqda, wixii qarsoona Ilaahay ayaa xukumaaya.
Tawxiidka in dadka loogu yeero waa muhiim isagaana u horeeya dacwada Islaamka.
Xadiiskaan loogama jeedo in gaalada diinta lagu khasbo, balse khiyaar ayey u leeyihiin, inay Islaamka soo galaan ama ay Jisyo bixiyaan, hadii aysan joojin la dagaalanka dacwada Islaamka in sharciga Islaamka lagula dagaalamo ayey noqonaysaa.
التصنيفات
Islaam