Adoon baa dambaabay dambi, wuxuu yiri: Allahayow ii dambi dhaaf

Adoon baa dambaabay dambi, wuxuu yiri: Allahayow ii dambi dhaaf

Abii Hurayra Allaha ka raali noqde Wuxuu ka wariyey Nabiga scw Nabiguna Rabigii kasoo wariyey, inuu yiri: " "Adoon baa dambaabay dambi, wuxuu yiri: Allahayow ii dambi dhaaf, wuxuu Ilaahay yiri saree: Adoonkaygaa dambaabay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi dambiga dhaafa, kuna ciqaaba, hadana wuu ku noqdoo wuu dambaabay, wuxuuna yiri : Rabiyow, ii dambi dhaaf, Ilaahay ayaa yiri: adoonkaygaa dambaabay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi dambiga dhaafa, kuna ciqaaba dabmiga, hadana wuu ku noqdoo wuu dambaabay, wuxuuna yiri: Rabiyow ii dambi dhaaf, Ilaahay ayaa yiri: wuu dambaabay adoonkaygu waxaana ogaaday inuu leeyahay Rabi dambiga dhaafa, kuna ciqaaba dambiga, fal waxaad doonto, waan kuu dambi dhaafaye".

[Xadiis Saxiix ah.] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu scw wuxuu rabigii ka wariyey inuu adoonku markuu dambi falo ee uu dhoho: Allahayow ii dambi dhaaf, inuu Ilaahay dhahayo: adoonkaygaa dambi falay, oo ogaaday inuu leeyahay Rabi dambiga dhaafa, kaasoo astura oo u dhaafa dambiga, ama ku ciqaaba, waan kuu dambi dhaafay. Hadana wuu ku noqdea adoonku oo wuu dambaabay, wuxuuna dhahay: Rabiyoow ii dami dhaaf, Ilaahay ayaa dhahay: adoonkaygaa dambi ku dhacay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi dambiga dhaafa, oo astura una dhaafa adoonkiisa, ama ku ciqaaba, waan u dambi dhaafay adoonkayga. Hadana wuu ku noqday adoonkaygu oo dambaabay, wuxuuna dhahay: Rabiyoow ii dami dhaaf, Ilaahay ayaa wuxu dhahay: adoonkaygaa dambi ku dhacay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi dambiga dhaafa, oo astura una dhaafa adoonkiisa, ama ku ciqaaba, waan u dambi dhaafay adoonkayga, ha sameeyo waxa uu doono kol haduu markuu dambi falaba ka istaagayo, kana murugoonayo, go;aansanayo in aanu ku laaban doonin, laakiin naftiisu ka adkaanayso, dambigiina ku dhacayo, intuu sidaa yahay oo dambaabayo kana tawbo keenayo waan u dambi dhaafi, tawbadaa baabi'isa wixii ka horeeyey.

فوائد الحديث

Naxariista Ilaahay siiyey adoomadiisa waa waasac, dadkuna si kasta oo ay u dambaabaan hadii ay ka towba keenaan ee ay Ilaahay u soo noqdaan wuu ka towbo aqbalaa.

Mu'uminka Ilaahay rumeyey wuxuu rajo ka qabaa cafinta rabigiis, ciqaabtiisana wuu ka cabsadaa, towbada ayuu u degdegaa oo macsida kuma sii jiro.

Shuruuda towbada saxda ahi waa: dambiga oo la joojiyo, lagana qoomameeyo, oo la go`aansado inaan lagu laaban dambiga, hadayse tahay towbadu dulmi laga galay adoomada, sida maalka, cirdiga-sharafka qofka, iyo naftaba, shardi kale oo afraad baa ku biiraya, kaasoo ah ka xalaashiga qofkii xaqa iska lahaa, ama in la siiyo xaqiisa.

Muhimada aqoonta Ilaahay taaoo ka yeelaysa adoonka mid aqoon u leh diintiisa oo marwalba oo uu dambaabo u towba keena Ilaahay, oo aanu quusan kuna sii jirin dambiga.

التصنيفات

Fadliga Dikriga