Xishoodku iimaankuu ka mid yahay

Xishoodku iimaankuu ka mid yahay

Cabdullaahi Binu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu maqlay nin ka waaninaaya Walaalkii Xishoodka, wuxuuna ku yiri: " "Xishoodku iimaankuu ka mid yahay ".

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu maqlay nin Walaalkii ku waaninaaya inuu ka tago Xishoodka badan! wuxuuna u cadeeyey Nabigu inuu Xishoodku iimaanka ka mid yahay, waxaan khayr ahayna ma keenayo. Xishoodkuna waa akhlaaqda ku bixinaysa Qofka inuu wanaaga sameeyo oo xumaanta ka tago.

فوائد الحديث

Wixii khayrka kuu diida laguma magacaabo Xishood, balse waxaa lagu magacaabaa Khajilaad, Caajisnimo, Daciifnimo iyo Fulaynimo.

Ilaahay Casa Wajala oo laga xishoodaa waa iyadoo amarkiisa la qaato, iyo wuxuu reebay oo laga tago.

Dadka oo laga Xishoodaana waa in la ixtiraamo, ee la darajeeyo, iyo in laga fogaado wixii dhaqan ahaan xumaynaya.

التصنيفات

Akhlaaqda wanaagsan