إعدادات العرض
Axad idinka midihi ma rumayn ilaa uu iga jeclaado waaridki, caruurtiisa iyo dadka oo dhan
Axad idinka midihi ma rumayn ilaa uu iga jeclaado waaridki, caruurtiisa iyo dadka oo dhan
Anas Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: " Axad idinka midihi ma rumayn ilaa uu iga jeclaado waaridki, caruurtiisa iyo dadka oo dhan".
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी ئۇيغۇرچە Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili မြန်မာ ไทย Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands සිංහල தமிழ் دری Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy Română Kinyarwanda नेपाली Српски Moore Українська Български Wolof Azərbaycan ქართული тоҷикӣ bm Oromoo Македонскиالشرح
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu inoo sheegay in Qofka Muslimku iimaankiisu kaamil noqon karin ilaa uu ka hor mariyo jacaylka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee jacaylka hooyadii, Aabbihi, Wiilkiisa, Gabadhiisa, iyo dadkoo dhan, jacaylkaasina wuxuu keenayaa in la adeeco, loo gargaaro iyo inaan la caasiyin.فوائد الحديث
Waa waajib jacaylka Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waana in laga hor mariyo jaceylka cidkasta oo Ilaahay abuuray
Calaamada jacaylka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee kaamilnimadeedu: waa in sunada Rasuulka scw loo hiiliyo oo naf iyo maalba lagu bixiyo.
Jacaylka Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu keenayaa in lagu adeeco wuxuu faro, in la rumaysto wuxuu sheegay, lagana fogaado wuxuu reebay oo la joojiyey, iyo in la raaco lagana tago bidcada.
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee xaqiisu waa ka wayn yahay kana adag yahay dadka oo dhan, waayo isagaa sabab u ahaa inaan ka soo hanuuno baadi, inagana celiyey naarta, kuna liibaano janada.
التصنيفات
Camalka Qalbiga