Qofka ka dab qaata wax cilmiga xidigaha ka mida wuxuu ka dab qaatay qayb sixirka ka mida, wuxuu doono ha ku darsado

Qofka ka dab qaata wax cilmiga xidigaha ka mida wuxuu ka dab qaatay qayb sixirka ka mida, wuxuu doono ha ku darsado

Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaado isagiyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka ka dab qaata wax cilmiga xidigaha ka mida wuxuu ka dab qaatay qayb sixirka ka mida, wuxuu doono ha ku darsado".

[Xadiis Saxiix ah] [Waxaa wariyay Abuu Daa'uud Ibnu Maajah iyo Axmed]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in qofka wax ka barta ee ka qaata cilmiga xidigaha iyo abraajta dadka looga faaliyo kaasoo ay u daliishanayaan socodka xidigaha, soobixidooda iyo dhicidooda wax yaabaha dhulka ka dhacaya sida dhimashada qofka, noloshiisa, jiradiisa, iyo wixii la mid ah ee mustaqbalka dhici doona, qofkaasi wuxuu bartay qayb ka mid ah sixirka, mar walba oo uu sii bartana sixir buu sii badsanayaa.

فوائد الحديث

Waa xaaraan faalka xidigaha kaaso ah in wax laga sheego mustaqbalka iyado la cuskanaayo xaalka xidigaha, waayo wuxuu ka mid yahay sheegashada cilmiga qaybka.

Faalka xidiguhu waa xaaraan wuxuuna ka mid yahay sixirka towxiidka ka hor imaanaya, taasoo ka duwan eegida xidigaha si loo ogaado jihooyinka ama qiblada iyo galida mawsimka iyo bilaha arinkaasi waa banaan yahay.

Qofku markastuu sii barto cilmiga faalka xidigaha wuxuu sii badsanayaa barashada qayb sixirka ka mida.

Xidiguhu saddex waxtar oo Ilaahay kitaabkiisa ku sheegay bay leeyihiin: waa quruxda samada, astaamo jihooyinka lagu garto iyo gantaalo shayaadiinta lagu gano.

التصنيفات

Waxa buriya Islaamka