qofkii idinka mid ah ee arka xumaan gacantiisa ha ku dooriyo, haduusan awoodin carabkiisa ha ku dooriyo, haduusan awoodin qalbigiisa hakanoco, kaasina waa meesha iimaanka ugu liidata

qofkii idinka mid ah ee arka xumaan gacantiisa ha ku dooriyo, haduusan awoodin carabkiisa ha ku dooriyo, haduusan awoodin qalbigiisa hakanoco, kaasina waa meesha iimaanka ugu liidata

Abii Saciid Al-khudri Allaha ka raalli ka noqdee wuxuu yiri: waxaan ka maqlay rasuulka Ilaahay sallallaahu callayhi wasallam isagoo leh: qofkii idinka mid ah ee arka xumaan gacantiisa ha ku dooriyo, haduusan awoodin carabkiisa ha ku dooriyo, haduusan awoodin qalbigiisa hakanoco, kaasina waa meesha iimaanka ugu liidata.

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nabigu scw wuxuu farayaa naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee tir tirida xumaha waana wax kasta oo Ilaahay iyo rasuulkiisu reebeen kolba awooda qofka muslimka ahi intay qaban kareyso. Haduu arko -muslimku-xumaan waxaa ku waajib ah inuu gacantiisa ku baabi'iyo, haduu awoodaa leeyahay oo sameyn karo. Haduuna awoodi karin sidaas, carabkiisa ha ku tir tiro xumaantaa oo ha ka reebo kan xumaanta faraha kula jira, hana ku waaniyo kheyrka sharta badalkeeda. Haduu awoodi waayo kaalintaa qalbigiisa ha ku badalo xumaanta isagoo nacaya xumaantaa oo go'aansanaya haduu awoodi lahaa inuu ficil ku baabi'in lahaa. Qalbiga oo laga naco xumaanta waa derejada ugu hoosaysa derajooyinka iimaanka ee xumaanta lagu tir-tiro.

فوائد الحديث

Xadiiskaani wuxuu sal u yahay cadaynta martabadaha xumaanta lagu badalo ee lagu tir-tiro.

Arintu waa jaranjaro marka xumaanta la reebayo, qofwalbana waa inta awoodiisa iyo karaankiisu dhan yahay.

Xumaha oo la reebo diinta wuxuu ka yahay baab aad u wayn qof uu ka dhacayona ma jiro, qof walboo muslim ah waxaa lagu waajibin inta awoodiisu tahay.

Wanaaga oo la is faro iyo xumaha oo la iska reebo waa sifooyinka iimaanka, iimaankuna wuu kordhaa wuuna naaqusaa.

Xumaha la reebo waxaa u shardi ah: in la og yahay in waxa la reebayo ay xun yihiin.

Waxaa shardi u ah badalida munkarka: in aanay ka dhalanayn munkar kaloo ka wayn.

munkarka in la reebo waxay leedahay aadaab ay haboon tahay in qofka muslim ka ahi barto.

munkarka in la reebo wuxuu u baahan yahay siyaasad sharciya iyo cilmi iyo aragti dheer.

munkarka inaan qalbiga laga nicin waxay tusaysaa daciifnimada iimaanka.

التصنيفات

Imaanka siyaadadiisa iyo nuqsaantiisa, Xugunka macruufka oo la faro iyo xumaanta oo la reebo, Principles of Enjoining Good and Forbidding Evil