(Ilaahay wuxuu tusaale u keenay jid toosan

(Ilaahay wuxuu tusaale u keenay jid toosan

Nawaas Binu Samcaan Alansaari Allaha ka raali ahaade wuxuu Rasuulka Ilaahay scw ka wariyey inuu yiri: (Ilaahay wuxuu tusaale u keenay jid toosan, labada dhinac ee jidkana ay ka xigaan labo darbi oo ay ku yaalaan albaabo furan oo daahyo ka lushaan, albaabka jidkana waxaa taagan mid dhawaaqaya oo leh: dadow soo gala dhamaantiin jidka, hana ka leexanina, iyo mid kale oo ka dhawaaqaya jidka korkiisa markii uu damco inuu furo mid ka mida albaabadaa, wuxuu oronayaa: waar hooge ha furin, hadaad furto waad galin, jidkaasi waa Islaamka, labada darbina: waa xuduudda Ilaahay, albaabadan furana waa wixii Ilaahay xarimay, kan jidka madaxiisa ka dhawaaqaya waa kitaabka Ilaahay, kan jidka dushiisa ka dhawaaqayana waa wacdiga qofkasta oo muslim qalbigiisa ku jira).

[Xadiis Saxiix ah.] [Waxaa wariyay At-tirmidi]

الشرح

Nabigu scw wuxuu cadeeyey inuu Ilaahay Islaamka tusaale ugu keenay dariiq toosan, ee fidsan oo wax qalqalooca aan lahayn, dariiqaa labadiisa dhinac labo darbi ayaa ah, kuwaasoo xuduudii Ilaahay dhigay ah, waxaa labadaa darbi dhexdooda ah albaabbo furan oo ah xaaraantii uu Ilaahay xarimay, albaabadaasi waxay leeyihiin daahyo qofka jidka marayaa uusan arkayn wax ku jira, dariiqa bilawgiisa waxaa fadhiya mid u yeeraya dadka oo tilmaamaya farayana inay dariiqa ku socdaan oo aysan u leexan dhinacyada, kaasoo ah kitaabka Qur'aanka ah, waxaa jira mid kale oo ka dhawaaqin jidka korkiisa, midka dadka u yeeraya markastoo qofka jidka maraya uu damco inuu inyar ka furo daahyada wuu u diidayaa, wuxuuna oronayaa: war hooge ha furin! hadaad furto waad galin naftaadana kama hayn karimaysid galidee, kaasina waa waanada Ilaahay ku sameeyey qof kasta oo muslima qalbigiisa.

فوائد الحديث

Islaamku waa diinta xaqa ah, waana dariiq toosan ee ina gaarsiinaya jannada.

Waa waajib in loo hogaansamo xuduudda Ilaahay, iyo wuxuu xalaaleeyey iyo wuxuu xarimayba, hadii la sahlado arinkaasna wuxuu dhaxalsiinayaa halaag.

fadliga Qur'aanka ee wayn iyo isku boorinta ku camal falkiisa, waayo waxaa ku jira hanuun, nuur, iyo liibaan.

Ilaahay oo adoomadiisa u naxariistay iyo wuxuu galiyey quluubta mu'uminiinta ee ka reebaya oo waynaynaya ku dhicida wax lagu halaagsomo.

Ilaahay raxmadiisa wuxuu u yeelay adoomada gaashaan ka celiya ku dhicida macaasida.

Wasiilooyinka loo adeegsado tacliinta waxaa ka mida in tusaale la keeno si loo soo dhaweeyo oo loo cadeyo.

التصنيفات

Fadliga quraanka kariimka ah, Camalka Qalbiga, Xumaanta Hawo raaca iyo Shahwaadka