إعدادات العرض
Allahayow adaa Salaam ah, oo Salaantu kaa timid, waad kor ahaatay, yaa Dal Jalaali wal ikraam
Allahayow adaa Salaam ah, oo Salaantu kaa timid, waad kor ahaatay, yaa Dal Jalaali wal ikraam
Thawbaan Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa markuu Salaada ka baxo seddex jeer buu istiqfaarsan jiray, wuxuuna yiri: " Allahayow adaa Salaam ah, oo Salaantu kaa timid, waad kor ahaatay, yaa Dal Jalaali wal ikraam. Waliid wuxuu yiri: waxaan ku iri Aw Saaci: qaabkay ahayd istiqfaartu? wuxuu yiri: Astaqfirullaah, Astaqfirullaah.
[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் မြန်မာ ไทย 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە සිංහල دری Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy Kinyarwanda नेपाली Română Српски Moore Deutsch Українська Български Wolof Azərbaycan ქართული тоҷикӣ bm Македонскиالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu dhihi jiray markuu Salaada ka baxo: Astqfirullaah, Astaqfirullaah, Astaqfirullaah. Ka dibna Rabigii ayuu waynaynaayey, wuxuuna oran jiray: Allahayow adigaa Salaam ah, oo Salaantu kaa timid, waad kor ahaatay, Yaa Dal Jalaal wal Ikraam, Ilaahay waa Saalim oo sifaadkiisu waa kaamil, wuu ka nasahan yahay ceeb iyo nusqaan, isaga ayaa laga dalbaa inuu kaa nabad geliyo sharta Aduun iyo tan Aakhiro cid kale lagama dalbo, Ilaahay khayrkiisu waa badan yahay labada Daaroodba, Ilaahay waa kan u saaxibka ah waynaan iyo ixsaan.فوائد الحديث
Waxaa Suna ah in la istiqfaarsado Salaadaha gadaashooda, lana joogteeyo.
Waxaa loo Suneeyey istiqfaarta si loo dhamaystiro naqsiga cibaadada ku yimaada oo lagu kabo daacada laga gaabiyey.
التصنيفات
Adkaarta Salaada